Rasaasayn ka Dhacday Gudaha Baarlamaanka Kanada

0
433

Rasaasayn ka dhacday gudaha iyo hareeraha baarlamaanka Kanada ayaa waxa ku dhintay  hal askari kadib markii ay rasaas isweydaarsadeen nin hubaysnaa.

Askarigaasi ayaa la sheegay inuu dhaawac dhintay mar danbe. Waxa kale oo la sheegayaa inuu isna dhintay nin dabley ahaa oo la filayo inuu ahaa ninkii rasaasta ridayay.
Dhismaha baarlamaanka ayaa la xidhay falkaasi kadib.
Inkasta oo aan weli la sugin tirada dablayda haddana waxa la sheegayaa in mid dab sitaa dhintay.
Xabbada ayaa ka bilaabantay taallo  xus dagaal,  kadibna waxa uu u cararay oo uu galay ninka qoriga sitay baarlamaanka isaga oo sii watay rasaasayntii.
Falkani ayaa la sheegayaa inuu dhacay saacado kadib markii Kanada kor u qaaday  heerka khatarta argagixiso taasi oo daba socotay markii weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah lagu qaaday laba askari Isniintii.
Taalada ay ka bilaabantay rasaasayntu ee Ottawa War Memorial

Leave a Reply