Guddida Qaadhaan Ururinta Jidka Ceerigaabo Oo Lagu Wareejiyey Lacag Dhan $6525,000

0
397

Hargeysa (Dawan)- Gudida qaadhaan ururinta wadada Ceerigaabo ayaa lagu wareejiyey lacag dhan $6525,000, taas oo ay soo direen jaaliyadda reer Ceerigaabo ee dalkaasi Ingiriiska.

Munaasibad loo sameeyay wareejinta lacagtaasi ayaa waxa ay ka dhacday barta laga wado dhismaha wadadaasi, iyada oo ay la wareegeen gudida wadadaasi dhisaysaa.

Xaflada wareejinta deeqdaasi lacageed waxaa  ka soo qayb galay mareeye ku xigeenka hay’ada horumarinta waddooyinka Somaliland ,Maayir ku xigeenka magaalada Ceerigaabo iyo injineeradda dhisaaya wadadaasi, gudida qaadhaan ururinta wadada Ceerigaabo ,cuqaal , xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn munaasibadaasi waxaa ka hadlay Cabdiqaadir Faarax Maxamuud oo lacagtaasi wareejiyey ,isaga oo faah faahina ka bixiyey xadiga lacagta uu wareejinaayo iyo cida soo dirtay.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay guddida qaadhaan ururinta wadada Ceerigaabo oo u mahadceliyey muwaadiniinta lacagtan wadada ugu soo tabarucay, waxaanay sidoo kale halkaasi baaq uga direen dadweynaha reer Somaliland iyo kuwa reer Ceerigaabo oo ay u soo jeediyeen inay wadada qaadhaankeeda ka qayb qataan, waxaanay sheegeen in wadada ay 10 km ee hore dhamaadeen.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xildhibaano iyo marti sharaf kale oo dadka reer Sanaag ugu baaqay inay si weyn uga qayb qaataan dhismaha wadadaasi.

Waxa isna halkaasi ka hadlay maareeye ku xigeenka hay’ada horumarinta wadooyinka Somaliland Maxamuud Daahir, isaga oo shaaca ka qaaday in wajigii hore ee dhismaha wadadani gebo gebo ku dhow yahay iyo siday uga go’an tahay dhismaha wadadani.

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay maayir ku xigeenka magaalada Ceerigaabo oo si weyn ugu mahadceliyey jaaliyadda deeqdaasi wadada ugu soo yaboohday ,isaga oo intaas raaciyey inay maamul ahaan diyaar u yihin ka qayb qaadashada dhismaha wadadan Ceerigaabo.

Waxaana ilaa hadda si habsamiya halkaasi uga socota dhismaha wadada isku xidhi doonta gobolka Sanaag iyo Togdheer oo rajaynaayo in muddo dhow ay dadka reer Sanaag ku xidhmi doonaan dalka intiisa kale, sidoo kalena heli doonaan waddo ay muddo ku taamayeen.

By. Axmed M. Saleebaan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply