Tifaftirihii Washington Post ee Xilligii Fadeexadii Watergate oo Geeriyooday

0
427

Ben Bradlee, oo ahaa tifatirihii wargayska  Washington Post  xilligii fadeexadii  ‘the Watergate scandal’ ee sababtay in uu xilka ka tago madaxweyne  Richard Nixon,  ayaa geeriyooday isaga oo da’diisu tahay 93 jir.

Jariirada ayaa werisay inuu bes  ugu dhintay gurigiisa  oo ku yaal  Washington .
Isaga oo ahaa tifatiraha fulinta 23 sano  laga soo bilaabo 1968-1991, Bradlee  ayaa lagu tilmaamay  inuu sumcad ku helay in uu ka dhigay  wargayska  Post mid ka mid ah wargeysyada loogu tixgelinta  badan yahay Ameerika.
Sannadkii  2013, ayaa la siiyay billad sharafeeda ugu sarraysa ee la siiyo qof rayid ah, taasi oo uu guddoonsiiyay Madaxweyne Obama billada madaxweynaha ee xorriyada.
Madaxweyne Obama oo billad u xidhaya Ben

Leave a Reply