Ciidamada dalkaasi Sweden ee amaanka ayaa guri ay ag marayeen ka maqlay qaylo aad u dheer, taas oo keentay inay kusoo yaacaan baadhitaana ku sameeyaan,iyaga oo u maleeyey in gurigaasi tuug ku jiro, laakin markii ay soo gaadheen ayay ka heleen ilme yar oo da’ahaan gaadhaaya ilaa 11 sanno.
Wiilkan yar ayaa ku jiray kelidii gurigaasi oo ku yaala caasimada dalkaasi ee Stockholm ,waxaanay ciidamadu soo galeen ka hor intii aanay halkaasi soo gaadhin hooyadii oo ka maqnayd guriga.
Madaxa ciidamadan watey oo lagu magcaabo Victor Adlfsson ayaa sheegay in aanay ciidamadu gurigaasi ku arkin wax raad ah oo tilmaamaaya in gurigaasi tuug soo galay,waxaanay markii dambe ciidamadu raaceen ilmahaasi,iyaga oo ka ilaalinaayey inuu keli noqdo,waxaana meesha soo gaadhey hooyadii oo iaydana lala hadlay.
Waxaana la ogaadey markii dambe in ay jirtay xisaab ku adkaatay ilmahaasi yar ,taas oo keentay inuu qayliyo,sidoo kalena waxa isku biirsaday waxyaalo kale oo iyaguna ku saabsanaa casharada uu dhigtay ilmahaasi yari,iyaga oo sheegay saraakiisha boolisku inay isku gaadheen laylisyo badani. Sarkaalkan lagu magcaabo Victor Adlfsson ayaa hore bartiisa internet-ka ee Twitter-ka ku shaaciyey qoraalo ku saabsanaa dhacdooyin noocan oo kale ah.
Home Barnaamijyada Qaylada wiil xisaabtii uu dhiganaayey ku adkaatay oo ciidamada Boolisku moodeen in...