Xukuumadda Oo Hay’addaha QM Ee Dalka Jooga Kala Shirtay Hanaankii Looga Hortagi Lahaa Cudurka EBOLA

0
425

Hargeysa, (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa shalay kulan la yeelatay hay’addaha qaramada midoobay ee dalka ku suga, kulankaasoo lagaga wada hadlay laguna dersay  sidii looga hortegi lahaa cudurka caalamka ku cusub ee EBOLA oo haleelay dalalka galbeedka Afrika, isla markaana ku dilay kumannaan ruux oo u dhashay wadamaddaas.
Kulankan lagaga hadlayay halista cudurka EBOLA  iyo sidii looga hortegi lahaa, wada-jirna wax looga qaban lahaa oo lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka Somaliland, isla  markaana ay soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa lagu soo  bandhigay macluumaad la xidhiidha  cudurka EBOLA, qaabka ugu habboon ee looga hortegi karo iyo sida loogu baahan yahay in wada jir wax looga qabto ka hortaggiisa.
Kulankan oo  ay ka soo qayb galeen wasaaraddaha caafimaadka qorsheynta qaranka, duulista hawada, arrimaha gudaha iyo hay’addaha qaramada midoobay ee dalka ka hawl-gala ayaa lagu lafo guray sida ugu wanaagsan ee la iskaga kaashan karo ka hortagga cudurka EBOLA.
Ugu horeyn agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame  oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in  kulankan ay ku casuumeen hay’addaha ay wada shaqeyntu ka dhexayso wasaaraddiisa sida WHO, UNICEF iyo IOM iyo dhamaan daneeyaasha arrimaha caafimaadka. Sidoo kale wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda ee ay arrinta lagaga hadlayaa khusayso.
Waxa kale, oo uu sheegay in ay kulankan u soo qaban qaabiyeen sidii diyaar garoobi lahaa in cudurka Ebola aanu usoo gudbin dalka Somaliland, maadaama ay jiraan ilaa 53 goobood oo dalka laga soo galo.
Agaasmaha Guud ee wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka  Cumar-sayid oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay inay ka hortagga cudurka EBOLA hore ugu dhaqaaqeen, isla markaana ay ku wargeliyeen diyaaradaha soo qaada rakaabka ee dalka yimaada oo u sheegeen  inay soo qaadi karaan oo keliya rakaab sita waraaqo caafimaad oo waqti dhaw ah, waxaanu xusay inay madaarka caasimadda Hargeysa ka sameeyeen xafiis ay siiyeen wasaaradda caafimaadka oo lagula soconayo dhammaan dadka madaarka ka soo degaya xaaladooda caafimaad, waxaanu ballan qaaday agaasimuhu inay  madaaradda kale ee dalkana ka samayn doonaan, isagoo intaa ku daray inay ogyihiin in madaaradu yihiin goobo xuduud ah oo dalka laga soo galo. “Waxaanu Nairobi ku wargelinay inaanay dalkooda ka soo dhoofi karin cid aan sidan waraaqo caafimaad oo waqtigoodu dhaw yahay oo ugu badnaan baadhis caafimaad soo maray  toban cisho gudahood. Waxa kale oo aanu madaarka Hargeys xafiis ka siinay wasaaradda caafimaadka, anagoo ku baraarugsan halista cudurka EBOLA leeyahay, waxaanu ku talo-galnay in halkaa lagu baadhi karo cidda laga shakiyo.” Ayuu yidhi agaasimaha duulistu.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Nimco Xuseen Qowdhan oo halkaa ka hadashay ayaa sheegtay in go’aamada lagu gaadho shirkan ay u gudbin doonaan shirka golaha wasiirrada ee maanta, oo lagaga dhawaaqi doono guddi heer qaran ah oo qaabilsan ka hor-tagga cudurka EBOLA. “Waxaynu kulanka u qabanay in aynu ka soo saarno go,aammo iyo qorshe cad oo wax lagaga qabanayo ka hortagga cudurka EBOLA oo ah mid aad u halis badan, isla markaana haddaan wada-jir looga gaashaaman, lagana hortegin aanay wasaaradda caafimaadka oo keli ahi waxba ka qaban karin,w axaananu kulankan ku soo marti qaadnay hay’addaha dhanka caafimaadka aanu  ka wada shaqayno iyo wasaaradaha ay arrintani khusayso oo ay ka mid yihiin wasaaradda arrimahaha gudaha oo  waaxda socdaalku inagala joogto, wasaaradda qorsheynta qaranka oo wax kasta  oo qorshe qaran ah qaybteeda ka qaadata iyo wasaaradda duulista oo ah xad la iskaga soo gudbo iyo marin dalka laga soo galo, markaa maanta (shalay) go,aamada halkan ka soo baxa waxaanu horgayn doonnaa shirka golaha wasiirrada,  waxaana lagu dhawaaqi doonaa  guddi qaran oo ka hawlgala ka hortagga cudurka Ebola.” ayay tidhi wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland.
 
Wasiirka qorsheynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inaan la iska eegin keliya dadka ajaanibka ah ee dibadda ka imanaya, balse, dadkeena ama Soomaalida oo guud ahaan ah dad socod badan laftooda fiiro loo yeesho haddii qofku soo maray waddamada xilligan xanuunka loo tirinayo inuu ka jiro, waxaanu yidhi, “Waad ogtihiin oo dadkeenu way socod badan yihiin mana aha in aynu iska eego oo keliya dadka ajaanibka ah ee xanuunku dalalkooda ama kuwa ku dhaw ka jiro, laakiin waa inaynu aad u taxadarnaa, sababtoo ah ma lihin awood aynu wax kaga qabanno haddii uu ina soo galo ALLE  ha inaga badbaadiyee, waxaad ogtihiin diyaaradda Itoobiya oo maalin kasta inoo timaadda waxay tagtaa ugu yaraan 46 caasimaddood oo ku yaalla dalalka Afrika waxaana ku jira kuwa xanuunku ka jiro, markaa waxaa lagama maarmaan ah inaynu ku baraarugsanaanu dhamaanteen inaynu u diyaar garawno ka hortagga xanuunka EBOLA oo aynaan ka daba-tag waxba kaga qaba karayn.”
Dr Sacad Cali Shire oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in aan wasaaradda caafimaadka oo keliya lagu hallayn, balse loo baahan yahay in xil guud la iska saaro, isla markaana laga wada shaqeeyo ka hortagga xanuunkan, isagoo kula dardaarmay waaxda socdaalka Somaliland inay xuduuddaha dalka oo dhan si dhaw ula socdaan cid kasta oo dalka soo galaysana ogaadaan faya qabkeeda.
Gavin Roy oo u hadlayay hay’addaha qaramada midoobay,ayaa dhankiisa ballan qaaday inay Somaliland kala shaqaynayaan ka hortagga cudurka EBOLA oo uu sheegay inuu yahay mid halistiisa leh, isla markaana u baahan in wada-jir iyo iskaashi lagaga hortago.
Taliyaha waaxda socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in ciidamadooda oo ku sugan dhamaan goobaha laga soo galo dalka ay  amar ku haystaan inay baadhaan qof kastoo dalka soo galaya xaaladiisa guud ee caafimaad iyo baasaboorka uu sito inuu soo maray waddamada xanuunka Ebola loo tirinayo.
By: Faysal Xiis Weerar (Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply