Bahda Kubadda Cagta Oo Lagu Tabobaray Xeerar Ay Ku Hagayaan Ciyaaraha

0
406

By: Khadar M. Dhako
Hargeysa, (Dawan)- Wasiirka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal,  ayaa  shalay tababar socday  saddex maalmood u soo xidhay xubno isugu jiray tabobareyaal iyo garsooreyaal ka tirsan bahda ciyaaraha kubadda cagta.
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska Cali Siciid Raygal oo ka hadlay tabobarkaas uu u soo xidhay bahda kubadda cagta ayaa sheegay in guul ay tahay in xubnaha garsooreyaasha iyo tabobareyaasha ah ay bartaan sharciyadda lagu maamulo ciyaaraha  kubadda cagta.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Waxaan u mahad-naqayaa xidhiidhka kubadda cagta qaybaha wasaaradda iyo dallada dhallinyarada ee SONYO, oo qaybta ugu weyn ka qaadatay hawsha oo fulisay guulna wey inoo tahay in 30 tabobare oo nin weliba doonayo inuu koox tabobaro oo maanta (shalay) ka  faa’iidaystay tabobarkan oo garanaya waxa uu ku tabobaro kooxdii uu tabobaraha u ahaa aad iyo aad ayay guul inoogu tahay inay barashada shuruucda kubadda ay ku qaataan halkan. Waxa kale oo guul inoo ah toban garsoore oo iyaguna sharciyadii iyo sida wax loo maamulo tabobarkan kaga faa’iidaystay.”
Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Cabdilaahi Khayre Cawad  ayaa isna sheegay in tabobarkaasi ay garsooreyaasha iyo tabobareyaashu ku qaadanayeen xeerarkii lagu maamuli lahaa ciyaaraha kubadda cagta, waxaanu yidhi, “Tabobarkani waxa uu u socday 30 xubnood oo  ah tabobareyaasha heerka 2aad ee kooxaha kubadda cagta toban garsoore iyo 5 guddoomiye degmo, ayaa tabobarku u socday waxaanu hordhac u yahay oo uu dabo socdaa shuruudo aanu ku samaynayno kooxaha heerka koowaad, heerka 2aad iyo heerka saddexaad oo doonayno in aanu bilowno tartan lagu qiimaynayo naadiyadda 3aad ee kubadda cagta oo aanu rajaynayno in aanu bilawno 27-ka bishan.”
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha dallada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Mubaarik Ismaaciil Taani waxaanu tilmaamay ujeedadii ay ka lahaayeen tabobarkaas dallad ahaan waxaana ka mid ahaa hadalkiisii. “Sharaf ayay noo tahay dalLad ahaan inaanu soo gabogabayno tabobarkan oo socday muddo saddex cisho ah, ujeedada ay dalladu ka lahayd iyo wasaaradda ciyaaruhuna waxay ahayd in tartanka soo socda la sii baro xeerkii lagu maamuli lahaa garsooreyaasha iyo tabobareyaasha, tartamaduna waxay dhici jireen iyadoo xeerka lagu maamulayo aan la isla ogayn. Sidaa daraadeed, wasaaradda iyo xidhiidhka kubadda cagtu waxay go’aan ku gaadheen in tartan kasta oo la qabanayo ay ka horeyso xeerka lagu dhaqayo tartanka.”
 
 
 

Leave a Reply