Masar Oo Somaliland U Soo Diraysa Dhakhaatiir Adeegyo Caafimaad oo Lacag La’aan ah ka Fulin Doona

0
362

Hargaysa (Dawan): Dawladda Masar ayaa shaaca ka qaaday in ay Somaliland u soo dirayso dhakhaatiir adeegyo  caafimaad si tabaruc ah uga fulin doona qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee magaaladda Hargaysa.
 
Sidaasina waxa sheegay Safiir Ku xigeenka  safaaradda ay dawladda Masar ku  leedahay dalka Jabuuti oo  maalmihi u dambeeyay booqaasho ku joogay magaalada Hargeysa, isaga oo shalay ka dhoofay dalka.
Mas’uulkani ka socday Safaarada Masar ee Jabuuti  ayaa soo gabagabeeyay booqashadii uu  Somaliland ku joogay, isagoo ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee  magaalada Hargeysa, waxaana halkaasi ku sii sagootiyay saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.
Waxaanu  uga mahad-naqay xukuumadda iyo shacbiga Somaliland sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyay intii uu ku sugnaa dalkan Somaliland.
Danjirahan  waxa uu sheegay in toddobaadka soo socda  dhakhaatiir ka socda dawladda Masar ay iman doonaan magaalada Hargeysa, isla markaana ay adeegyo caafimaad ka fulin doonaan xarumaha  caafimaadka ee ku  yaala magaalada Hargeysa.
Mudaddii  uu joogay Hargaysa  ayaa diblomaasigani waxa uu  kulamo la yeeshay    masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ka mid ahaa wasiirka waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, waxaanay ka wada hadleen kaalmadda waxbarasho ee ay dawladda Masar siiso ardayda reer Somaliland. Sidoo kale waxa uu diblomaasigaasi kulan la yeeshay intii uu joogay Somaliland wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, kana wada hadleen arrimo la xidhiidha iskaashiga labadda dal ka dhexeeya.
Waxa kale oo uu safiir ku xigeenku intii uu Somaliland joogay kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta Somaliland oo uu ka mid ahaa wasiir ku xigeenka warfaafinta C/waaxid  C/qaadir, waxaanay isla soo qaadeen in dawladda Masar ay tababaradda ka caawin doonta dhinaca saxaafadda ah iyo qalabka casri ah oo warbaahineed oo uu sheegay in Masar ku caawin doonto Somaliland.
 

Leave a Reply