C/Raxmaan Xoog Waa In Maamuus Ka Xayuubin Lagu Sameeyaa

0
455

Waxa af kala qaad iyo fajac igu noqotay markii aan warbaahinta aan ka arkay rag Xildhibaano ah oo doonayay inay difaacaan Gudoomiyaha Golaha wakiilada kasoo wax is dabamarin iyo hab dhaqan ku cusub xeerdejinta Somaliland ku marin habaabiyay Xeer Diwaangelinta Muwaadiniinta iyo Codbixiyaasha Xildhibaanadaas waxa kamida Xildhibaan C/raxmaan Xoog oo si ka baxsan anshaxa hadalo deel-qaafa ugu durayay Odayaasha guurtida oo birmageydo ah kuwaasoo  runtii la ogyahay inay tahay tiirka udub dhexaadka ah ee Somaliland ku dhisan tahay oo la’aantood aanay Somaliland heerkaas soo gaadheen Waxa kamida hadaladiisii “Odayaasha hab beeleedka ku fadhiya meesha ee kursigooda saddexda jeer lakala dhaxlay” iyo waxaan hadalaaasi dhaamin, Hadaladaas oo gef iyo meel ka dhac ku ah odayaasha Guurtida oo shacabka reer Somaliland ogyahiin kaalinta ay ka taagan yihiin Somaliland.
C/raxmaan Xoog oo aan magac iyo sumcad toona aan ku lahay Somaliland oo la ogaa inuu ahaa caado qaate wakhtigii Daahir rayaale iyo Mucaaridku mooshinadu ku dhexmari jireen golaha wakiilada oo sidiisa oo kale madooya xildhibaanada inay yihiin ileen Tuuga intaanada odhan tuug ayuu Tuug ku yidhaahdaaye. Waa ayaan daro inuu isagoo af iyo adin midna aan iskaga celin Karin raga isku golaha yihiin inuu odayaasha sharafta iyo maamuuska mudan ee markasta u heelan badbaadinta dalka inuu afkiisa wasakhdu kasoo baxayso uu ku jeediyo ama uu is yidhaahdo wax kasheeg, C/raxmaan Xoogow shacabka reer Somaliland waxay ku leeyihiin kaa yeeli mayno dhaqanka noocas ah haddii aanad garowshiiyo iyo xaal ayaad ka bixina waxaanu kuugu dhaaranay inaad inaad halkaa (Golaha) noo soo fadhiyi doonin  oo  gacanta kuula iman doono waxaanan usoo jeedinayaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada inay si deg dega ay maamus ka xayuubin ugu sameeyaan kaaso danbi qaran galay waayo marka uu Golaha guurtida ku tilmaamayo Beelo waxa muuqata inaanu dastuurka Somaliland aqoon u lahayn isagoo sharci dajintii dhamayd ee wadanka ah ee lasoo doortay.
Kooxdan isaga la midka ah ee ay kamidka yihiin Siciid Cilmi rooble, Ibrahim Mahdi Buubaa  iyo isaga ee doonaya inay difaacaan C/raxman cirro waxaan odhan lahaa waar intaad Golaha guurtida aad caayaysaan yaan dadku idinla yaabine waxaad C/raxmaan ciro ku difaacaysaan badka soo dhiga ileen sharcigii wadanka u yaalay ayuu ku gefaye guurtiduna waxay ka doonaysaa inuu waxan uu sameeyay ee khaladka ah uu saxo, Car illaahaybaa rag idinka dhigaye waxaad sheegtaan hal qodob oo ciro uu ku saxsan yahay? intaad iska dhaaftaan caydaas qadhmuun ee aad odayaasha sharafta leh aad kula dul kufaysaan.
Si kastaba ha ahaate shacabka reer Somaliland waxa u cadaatay in C/raxmaan cirro oo ah Gudoomiyaha Golaha wakiilada ahna Gudoomiyaha iyo  Musharaxa Xisbaga Mucaaridka ah ee Wadani iyo kooxdiisa uu wato ay doonayaan inay carqaladeeyaan Doorashada oo aanay doonayn inay doorasho wadanka ka dhacdo balse ka doorbidaya in wadanka Qas iyo Fowdo ka dhacdo kuwasoo markasta ku tiraabaya haddii doorasho dhici weydo waa la rogmanayaa  wadanku wuu burburayaa weydinka idinku dhowr iyo tobanka sanno meesha soo yuurure muxuu wadanka u dumi waayay intaad madaxweyne wakhtigiisii sharcigu ahaa ah madaxweyne aad leedihiin haddii maalin loogu daro beleyadaas ayaa dhacaysa horta marka hore wakhtigiisii sharcigu siiyay ha dhamaado markaas ayaad ku caanaan kartaan mudo korodhsiga laakiin fulaynamadiinu wataas iyadoo doorashaba dhawayn markaad aragtaan saasaankii doorashada oo loo wada diyaar yahay uu cabaadku idinka dhamaatay maantana shacabka reer Somaliland waa idin barteen waxaad tihiin inaad beenalayaa tihiin way idin barteen sidaana kursi ku heli maysaan.
Hadaba guntii iyo gebagebadii ninka C/raxmaan xoog oo shacabka reer Somaliland ka cadhaysiiyay oo si ciyaalo suuqnimo leh oo aanay masuuliyad ku jirin odayaasha cay badheedha ugu duray waa in maamuus ka xayuubin Golahu ku sameeyaa, kasoo sharaf iyo milgo midna aan lahayn oo aan garanayn tixgelin iyo nidaam loo hadlo ama wax loo difaaco.
Wabilaahi Tawfiiq
Maxamed Xaaji Quule Yaasiin
Waayo22@gmail.com
London UK.
 

Leave a Reply