Madaxa Xafiiska Xannuunka Qaaxada Somaliland oo Ka waramay aqoon-korodhsiyo ay ku tageen dalalka Kenya iyo Rwanda

0
447

Hargeysa (DAWAN)- Madaxa Xafiiska Heer Qaran ee Xakamaynta Xannuunka Qaaxada (TB-da) ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland (NTP Manager) Dr. Sayid Ismaaciil Xasan, ayaa ka warbixiyey tababaro aqoon-korodhsi oo saraakiil xafiiskiisa ka tirsan ku qaateen dalalka Kenya iyo Rwanda bishan October ee 2014.
 
Dr. Sayid Ismaaciil Xasan, ayaa qoraal uu soo saaray habeen-hore ku sheegay inay Hargeysa ku soo laabteen Salaasadii toddobaadkan, kadib markii ay soo dhamaysteen aqoon-korodhsiyo muddo 15 maalmood ah ay ku qaateen magaalooyinka Nairobi iyo Gigale ee dalalka Kenya iyo Rwanda, isagoo xusay inay aqoon fiican oo waxtar leh barteen muddada ay safarka shaqo ku maqnaayeen.
Waxa Dr. Sayid Ismaaciil Xasan ku bilaabeen qoraalkiisa noocyada aqoon-korodhsiga ay ku qaateen magaalada Nairobi, waxaannu yidhi; “Safarka aannu magaalada Nairobi ee Kenya ku tagnay waxa ujeeddadu in la dardargeliyo mashruuca la yidhaah PAL/PPM (programme of PAL/PPM) ee Somaliland, kaasoo siyaabaha lagu adkayn karo ee aannu ku heshiinay hay’adaha naga caawiya, waxaanna noo qabsoomay wax weyn oo insha Allaah aan dhawaan ku dhaqaaqi karno, kuwaasoo ay ka mid yihiin;
üSidii loo adkayn lahaa  isku xidhnaanta xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay (Privates) iyo  kuwa dawliga ahaba si loo cidhib tiro xannuunka qaaxada
üIn la adkeeyo  sidii ay u wada shaqayn lahaayeen labada mashruuc ee loogu talogalay isku xidhka xarumaha caafikaadka (Programmes of ACSM and Pal PPM)
üIna la xoojiyo, lana adkeeyo mamnuucista dawooyinka lagu daweeyo qaaxada ee suuqyada lagu iibiyo ama yaal
üIn la qoro wacyigeliyeyaal shaqaale ah oo loo tababaro sidii ay uga hawlgeli lahaayeen  wacyigelinta ka hortaga xannuunka qaaxada (TB-da)
üIn la isku xidho wada shaqaynta xarumaha TB-d (TB centers) iyo xarumaha kale caafimaadka; sida MCH-yada ilaa heer gobal iyo degmooyinba
üAdkaynta wacyigelinta dabar-goynta qaaxada ee la mariyo hay’adaha warbaahinta
üKor-u-qaadista wacyigelinta xannuunkan qaaxada si looga hortaga inuu inagu dhex faafo xanuunka MDR ee ah xannuun la qabsaday dawada qaaxada.
Waxa kaloo oo aannu tagnay magaalada Gigale ee dalka Rwanda oo aannu ku qaadanay laba tababar oo aqoon is-weydaarsi ah, kuwaasoo kala ahaa;

  1. Sidii loo samayn lahaa qaab wanaagsan oo la xidhiidha daawaynta carruurta qaaxadu ku dhacdo, la isuguna xidhi lahaa dhammaan xarumaha carruurta lagu daweeyo (Child TB care guidelines)
  2. Sidii la isaga dhawri lahaa, la isagana ilaalin lahaa fidista xannuunka qaaxada dhammaanba xarumaha shaqada iyo qaabkii looga hor tagi lahaa (Infection Control)

Si wanaagsan ayey noogu soo dhammaadeen, waxaanna na siinayay tababarkaas hay’adda USA AID oo dhawaan ku soo biirtay caawinta xannuunka qaaxada (TB-da),” ayuu Dr. Sayid ku yidhi qoraalka uu soo saaray.
Waxa kale oo uu ka xog-waramay waxyaabaha u qabsoomay muddada uu xilka hayey, waxaannu yidhi; “Muddo 8 bilood ah oo aan xilka hayey hadaan wax yar ka taabto waxyaabaha ii qabsoomay, waxa ka mid ah;

  • Ballaadhinta xarumaha daawaynta iyo daryeelista xannuunka qaaxada oo ahaa 14 goobood, waxa hadda laga dhigay 18 xarumood.
  • Hirgelinta xarun la xidhiidha daawaynta iyo baadhitaanka xannuunka TB-da ee la qabsaday dawooyinka (MDR Center) oo aannu hadda ku dawaynayno, kuna xannaanayno dad tiradoodu dhan tahay 95 bukaan socod ah, adeegaas oo loo raadsan jiray wadammada shisheeye, iyadoo inta badan dad bukaan ah u dhiman jireen la’aanta daawadan MDR-ka la yidhaa, waxaannu Wasiirka Caafimaadku dhawaan ku guulaystay inuu furo xarun cusub oo ah goob hadda la soo hiigsado, adduunkuna isha ku hayo.

üIn aanu hirgalino isku xidhno caafimaad-wadayaasha iyo Isu-duwayaasha Wasaaradda Caafimaadka iyo xannuunka qaaxada oo runtii  aan laga war hayn jirin markii hore, waxaanan ku dedaalnay sidii isu-duwayaashu ugu dhug-yeelan lahaayeen arrintaas, wada shaqayn fiicana uga samayn lahaayeen.
Waxa aannu muddada aan joogay helnay inay nala shaqeeyaan, taageerana ka helno labada hay’adood ee kala ah;

  • USA Aid  Supporting
  • QADAR RED CRESCENT, kuwaasoo ku yimi Somaliland bishii la soo dhaafay marti-qaad Wasiirka Caafimaadku u fidiyey, waxayna ballan ku qaadeen inay qayb libaax ka gaystaan taageerada la-dagaalanka iyo dawaynta xannuunka TB-da.

Waxaan bulshadda reer Somaliland, heer gobol iyo heer degmoba ugu baaqayaa in la-dagaalanka xannuunka qaaxadu yahay waajib idin saaran oo ay muhiim tahay in laga wada qaybqaato. Dhammaan ganacsatada, culimada, madax-dhaqameedkuba waa inay ka qaybqaataan sidii looga hortagi lahaa, loolana dagaalami lahaa xannuunka TB-da.
Waxa kaloo muhiim ah in laga wada qaybqaato taakulaynta iyo ka war haynta dadka bukaanka ah, sidoo kalena loo xakamayn lahaa in xannuunkaas TB-du ama qaaxadu innagu dhex fido, mana aha in cid gaar ah lagu haleeyo hawshaas, waxaanan idinka codsanayaa wada shaqayn buuxda si aynu waddanka Somaliland uga cidhib-tirno xannuunka dillaaga ah ee qaaxada (TB-da),” ayuu yidhi; Dr. Sayid Ismaaciil Xasan.

Leave a Reply