Guddoomiye Cirro Oo Khiyaamaddii Xildhibaanadu Ku Eedeeyeen Kula Gal-gashay Xukuumadda

0
383

“Eedahaas waxa Soo Warshadeeyay Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Wasiirro”
“Xil ka Qaadistu Haddii ay Dariiq Sharci ah soo Marto Waa Arrin Iska Caadi ah”
 
Hargeysa (DAWAN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa xukuumadda Somaliland kula soo gal-gashay eedihii Xildhibaannada aqlabiyadda Goluhu u soo jeediyeen ee la xidhiidhay khiyaamadii uu galay ee uu ku dhalan-gediyay xeerkii  xeerkii diiwaan-gelinta muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha ee uu u gudbiyay aqalka Guurtida, waxaanu ku eedeeyay xukuumadda inay ka dambaysay mudaneyaashii eedeeyay.
Guddoomiye Cirro waxa uu ku fashilmay  inuu iska baraxo eedaha ay xildhibaannaddu u soo jeediyeen ee la xidhiidhay go’aanka Gole-weynuhu aqlabiyadda ku ansixiyay ee uu nasakhay isla markaana uu ku tagri falay, waxase  uu si indho la’aan ah u eedeeyay  xukuumadda oo aan wax farogelin ah ku samayn Goleyaasha Baarlamaanka oo ah mid  ka madax banaan waaxda fulinta ee xukuumadda.
 
Guddoomiyaha Wakiiladdu waxa uu eedahaas naf lacaariga ah ka sheegay  mar uu shalay dalka ku soo laabteen saddexda  Guddoomiye ee sadexda xisbi qaran oo socdaal ugu maqnaa dalka Kenya afartii maalmood ee la soo dhaafay.
“Waxaan Saxaafadda ka maqlayay in ugu yaraan saddex jeer Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Wasirro inay Xildhibaanno kula shireen Guriga Madaxweyne Ku xigeenka, inkasta oo aan  maqnaa waxaan is leeyahay eedihii la ii soo jeediyay waxa lagu soo warshadeeyay halkaas, eedo Goluhu leeyahayna ma aha. Xildhibaanadda aad leedihiin waa muxaafid iyo kuwa u jawaabay-ba waa Mudaneyaashaydii Golaha Wakiiladda, aniga ayaa oday u ah, Golahana anigaa oday ka ah.Golaha wixii u yaalla ee isaga u dhaxeeya Golaha Gudihiisa ayuu kaga wada hadli doonaa haddii ILAAHAY ka dhigo,”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo wajigiisa laga dareemayay cabsida uu ka qabay tallaabadda Goluhu ku anshax marin doono.
Cabdiraxmaan Cirro oo la weydiiyay sida uu u arko eedihii miisaanka lahaa ee ay u jeediyeen xubno ku hadlayay magaca xildhibaanadda aqlabiyadda ah ee wakiiladda, waxa uu ku jawaabay  “Horta Xil ka qaadistu haddii ay dariiq sharci ah soo marto waa arrin iska caadi ah. waxaanan odhan lahaa qof kasta sharciga ayaa ka sareeya ama aniga  ha noqdo ama  mid kale ha noqdee. Markaa waxay ila tahay haddii ay timaado oo ay dariiq sax ah soo marto dariiqeeda ayaa la marin doonaa. Waxaanse odhan lahaa anigu suugaanta kuma wanaagsaniye “Ma didee hargooloow, ha igu tumin durbaannada iyo daasadaha madhan.”

Leave a Reply