Guddoomiyeyaasha Axsaabta Qaranka Oo Ka Waramay Qoddobo ay Isku Waafaqeen Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland Ka Taageera Doorashooyinka

0
613

“Qaadhaan Bixiyeyaashu Waxay Na Weydiiyeen inaanu  Dhamayno Sharciga Diiwaan-gelinta  Iyo Komishanka oo Hawl-gala” Muuse Biixi
“23-sanno Ayay Somaliland Xor ahayd Waanay Heli Doontaa Aqoonsiga caalamiga ah, qaadhaan-bixiyeyaashana…”
 
Hargeysa (DAWAN)- Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI Iyo UCID Muuse Biixi Cabdi, C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe, oo shalay galab  dalka dib ugu soo laabtay, ayaa shaaca ka qaaday in qaadhaan-bixiyeyaashii ay kula kulmeen Kenya ay u cadeeyeen inay diyaar u yihiin inay Somaliland ka saacidaan doorashooyinka, hase yeeshee ay ka dhursugayaan inta laga dhamaynayo xeerka diiwaangelinta iyo hawl-gelinta Guddida cusub ee doorashooyinka.
Guddoomiyeyaasha axsaabta qaranka oo ka soo degay madaarka Hargeysa ayaa saxaafadda uga waramay natiijada socdaalkoodii Nairobi oo ay ku doodeen inuu guul ugu soo dhammaaday. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay shirkaas jaraa’id waxa uu yidhi “Waxaanu u baxnay socdaal howl qarana oo filayo inay tahay markii u horeysay oo saddexda xisbi oo gaara ay u baxaan hawl qaran, hawshaan u soconay sidaan horeba ugu sheegnay waxay ahayd qolada deeq-bixiyayaasha oo fara badan oo dawlado iyo hay’adaha innaga caawiya doorashooyinka oo aanu ka wada tashanaynay doorashooyinka soo socda.”
Guddoomiyaha KULMIYE oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Nimankaasi qaadhaan-bixiyeyaashu waxaanu ku soo heshiinay oo ay na weydiiyeen inta yar ee xaal-xaalka ah inaanu dhamayno oo kala ah in aanu sharciga dhamayno iyo komishanka doorashooyinka oo hawl-gala.labadaas qoddoba hawshoodii intii badnayd way dhammaatay. Inshaalaahu labada aqal ee baarlamaanka oo fasax ku jiraanna intaas way dhamayn doonaan qaadhaan bixiyeyaashu waxay noo sheegeen inay intaasi sugayaan oo ay xagooda diyaar ka yihiin.”
 
“Markii aanu ka soo noqonay waxaanu arragnay oo kulamo la yeelanay safaarradaha qaar ka mid ah oo midowga yurub AU-du ka mid yahay, ninkaasi oo aad mararka qaarkood moodo inuu ku soo taag-taagan yahay Somaliland, waxaan doonayaa inaan halkan ka qiro inaanu si qaranimo leh loola hadlay oo ay waliba naga fadallo cadaayeen xisbiyadda mucaaridka ahi,”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe,oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in socdaalkoodu la xidhiidhay sidii ay beesha caalamka ugu bandhigi lahaayeen inay saddexda xisbi qaran-ba ka go’an tahay inay doorashaddu wakhtigeedii ku qabsoonto, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa uu socdaalkayagu tusayay beesha caalamka inay saddexda xisbi qaranba ay naga go’an tahay inay doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoonto.”
Guddoomiye Faysal, waxa uu intaas ku daray   in uu  guul ugu soo dhammaadeen dhammaan hawlihii ay u tageen dalka Kenya, waxaa tilamamay in dhawaan dalka
“Dalka Somaliland 23 sanno ayuu xor ahaa imikana waxaanun rajeynaynaa in aqoonsi heli doono taasna waanu soo cadeynay,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in socdaalkii ay saddexda Guddoomiye ee axsaabta qaranku ugu baxeen Nairobi ay la xidhiidhay sidii qaadhaan-bixiyeyaasha loogu boorin lahaa inay Somaliland ka taageeraan doorashooyinka lagu wado inay wadanka ka qabsoomaan sannadka fooda innagu soo haya, isagoo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Gudoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran wixii aanu Kenya u tagnay wuxuu ahaa hawl qaran, qaadhaan-bixiyeyaasha iyo beesha  caalamku waxay noo xaqiijiyeen inay diyaar u yihiin inay Somaliland ka taakuleeyaan arrimaha doorashadda.”
 
Geesta kalena, Gudoomiyaha akaadamiga nabada iyo horumarka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi, ayaa dhankiisa faah-faahin ka bixiyay ujeeda socdaalkii  masuuliyiinta asxaabta qaranku  kaga soo laabteen magaalada dalka Kenya, waxaanu xusay inay safarkaasi u fududeeyay akaadamiga  nabada iyo horumarka Somaliland, waxaanu yidhi  “Sodaalkaas waxa soo qaban-qaabiyay akaadamiga  nabadda iyo horumarka Somaliland, muhiimaduna waxay ahayd in arrimaha khuseeya qaranka Somaliland mucaarid iyo muxaafidba dadka daneeya Somaliland looga wadahadlo. Waa markii ugu horeeyay taariikhda Somaliland mucaarid iyo muxaafid  socdaal wada jira ay dalka Kenya ku tagaan.”
 
By: Cumar M.Faarax
 

Leave a Reply