Madaxweynaha Oo Shacabka Ku Bogaadiyay Curashada Sannadka Cusub Ee Islaamka

0
389


By: Siciid M.Askar
Hargeysa, (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan shucuubta islaamka, gaar ahaan bulshada Somaliland oo uu ku bogaadiyay curashada sannadka cusub ee islaamka ee  1436 Hijiriyada.
Madaxweynuhu wuxuu shacabka Illaahay uga baryay inuu sannadkana sannadkiisa ku gaadhsiiyo, barwaaqo, inta xanuusanaysana uu caafimaadf ugu bedelo.
Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland waxa uu bulshada ugu baaqay inay nabagelyada iyo xasiloonida dalka heegan u ahaadaan.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu munaasibadda sannadka cusub ee islaamka 1436 (Hijiriyada), awgii oo ku beegan  maanta oo sabti ah oo taariikhda miilaadigu tahay 25.10.2014, hambalyo, bogaadin iyo ducaba u dirayaa guud ahaan shucuubta islaamka gaar ahaana shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu Illaahay ka baryayaa inuu shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, badhaadhe iyo barwaaqo, inta bugtana uu ka dulqaado xanuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii jano ka waraabiyo.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu hambalyo taas la mid ah u dirayaa waddamada islaamka iyo shacbiga muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda oo uu leeyahay sannad wanaagsan oo wacan.
 
Ugu dambayna waxa uu madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa inay nabad-gelyada iyo qaran-nimada dalkeena, heegan u ahaadaan, meelna uga  soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan sidii ay hore-ba ugu  soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaran-nimo.”
Dhinaca kale, guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, guddida fulinta, golaha dhexe iyo dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye wuxuu hambalyo iyo boogaadin u diray curashada sannadka cusub ee islaamka 1\1\1436 Hijriyada awgii dhamaanba shacabi weynaha Somaliland iyo ummadda muslimiinta ah, wuxuu Alle uga rajaynayaa inuu u naxariisto intii dhimatay inta xanuunsanaysana caafimaad degdeg ah siiyo, sannadkan kiisana bash-bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo.
 

Leave a Reply