Madaxweynaha oo Xadhigga ka Jaray Dhisme Laba Dabaq Ah Oo Loo Bineeyay Wasaaradda Xoolaha

0
451

“Waxaanu Xukuumad ahaan Balan-qaadaynaa Inaanu Ahmiyad weyn Siinno Daryeelka Iyo Dhoofka Xoolaha”

Hargeysa (DAWAN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay ahmiyada xoolaha nool u leeyihiin shacabka iyo horumarka dalkiisa.

Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad ka jeediyay dhisme Laba  dabaq ah  loo dhisay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo uu xadhigga ka jaray shalay, waxa uu sheegay in laf-dhabarta dhaqaale iyo guud ahaan nolosha bulshada Soomaalidu ku dhisan tahay xoolaha nool.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay daryeelka xoolaha iyo dhoofkoodaba mudnaan weyn siinayso, waxaanu yidhi “Xooluhu waa laf-dhabarta nolosheenna waxay Soomaali ku degan tahay weeye, waxay Soomaali dad ku tahay weeye. Innagana dhinac kasta ha noqoto nolosha dadka ama ha noqoto dhoofka xoolaha iyo waxa innaga soo galee waa waxa nolosheenna inta u weyn ay ku dhisan tahay. Sidaa daraadeed, in aynnu mar walba ahmiyadda ay leeyihiin siinnaa waa  waajib ina saaran. Waxaannu mar walba ballan-qaadaynaa haddii aannu dawladda nahay in aannu gacan weyn ka siinno hay’adaha ku shaqada leh horumarinta xoolaha ee dhinacyada dhaqistooda, dhoofintooda, dhismahooda iyo horumarintoodaba in aannu gacan weyn ka gaysanno, waayo waa nolosha ugu weyn ee aynnu haysanno.”

Waxa kale oo uu uga mahadnaqay masuuliyiinta Wasaaradda Xannaanada iyo cid kastoo ka qaybqaadatay dhismaha cusub oo ay maalgalisay xukuumadda Somaliland.

Munaasibadda xadhigga lagaga jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo ay ka qaybgaleen Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, waxa kale oo ka hadlay Wasiirka xanaanadda Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Agaasimaha Guud ee wasaaraddaas,  kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey shaqada ay hayaan iyo waxqabadka u hirgalay afartii sannadood ee la soo dhaafay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  ka hor intii aanu ka qayb gelin xafladaasi waxa uu soo lugeeyay masaafadda u dhaxaysa wasaarada  iyo qasriga madaxtooyada Somaliland, waxaana si diiran u soo dhaweeyay dadweynihii wakhtigaa ku sugnaa jidkaasi. Dadkaasi oo isugu jiray arday ku jira wakhtigii nusa saacaha iyo dadweyne kale.

Waxaana ay dadkaasi sacab diiran ku soo dhaweeyeen madaxweynahooda oo si kalsooni ku jirto u dhex socda.

By: Idiris M.Xasan

Leave a Reply