Shirkada Dahabshiil Oo Bilawday Adeega E-Dahab

0
1017

maalmihii u danbeeyay suuqyada magaalada Hargaysi si aad ah looga dareemayay hadalhaynta adeeg cusub oo ay sharkada DAHABSHIIL ay kusoo kordhidsay adegyadii hore ay sharkadu dadweynaha ay u fulin jirtay kaas oo ah E-DAHAB iyadoo lagu arkaayay maherado fara badan oo uu gidaarada ugu naban yahay numberada macmiilka u sheegaya inuu wax ku iibsan karo lacagtiisa isagoo ka isticmaalaya card-kiisa SOMTEL.
Adeegan ayay ah mid ay bulshdu si aad ah usoo dhawaysay maadaama oo uu yahay adeeg uu qofku isticmaalayo lacagtiisii Account-ka ugu jirtay Dahabshiil taas oo ah mid damaanad leh.
Adeegan ayaa ka mid ah adeegyo ay qaybaha kala duwab ee sharkada DAHABSHIIL GROUP ay dadweynaha usoo kordhinaysay, waxay tani ku tusaysaa maalinba maalinta ka danbaysa halka uu maraayo ganacsiga Soomaaliland.
Qaar ka mid ah dadka iyagu adeegan isticmaalay ayaa u sheegay barnaamijka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ee wargeyska Dawan in uu yahay adeegani mid ay si aad ah ugu baahnaayeen.
Maxamed Cali oo kamid ah dadka iyagu isticmaala Adeegan E-DAHAB ayaa yidhi: “adeegani waa mid aanu u baahnayn waxaanu ii sahlayaa inaan aniga oo aan tagin xarunta Dahabshiil ee si aan ugalasoo baxo lacag Account-ka ii taalay inaan si sahlan aan uga isticmaali karo Telefoonkayga gacanta ee sharkada Somtel, waxaanay u fududaynaysaa in macaamiisha  Dahabshiil ay si fudud u adeegsan karaan lacagtii u tiilay Account-ka”.
Mid kale oo ka mid ah dadweynaha iyagu soo dhaweeyay Adeegan ayaa yidhi: “ adeegani waa mid aad u qaaliya maxaa yeelay waa mid aamin ah oo aanu qofku ka war warsanayn in dhibaato ku timaado hawada iyadoo ay lacagtiisu tahay mid u taala Account-ka Dahabshiil oo haddii uu u baahdo meel uu u raacdeeyo aanu shaki kaga jirin waana hab aamin iyo damaanad leh.”
Dadka iyaguna ganacsatada ah qaar ka mid ah ayaa barnaamijka u sheegay in ay markii hore ay  macaamiishu aad ugula dhibanaayeen inay isticmaalaan lacagta account-yada Dahabshiil u taala inuu wax ku iibsado oo ay markii hore ahayd inuu qofku tago xarumaha Dahabshiil kadibna uu lacagta kala soo baxo account-ka iyadoo ay dhici jirtay inay Dahabshiil laga xidho ama ay tahay xiliyadii aanay shaqaynayn taasina ay sabbabi jirtay inuu qofku dhib kala kulmo oo lacagtiisii ay ayahd inuu sugo inta la furaayo xarunta, laakiin hadda wakhtiga uu doono ha noqotee waxa uu awood u siinayaa Adeegan E-DAHAB inuu isticmaali karo lacagtiisii accounta ugu jirtay isagoon tagin ama sugin waxkhti waxaana kaliya oo ka xigaa waa inuu soo furto adeegan oo uu card Somtel ah haysto, waxaanay kor u qaadaysaa inuu qofku iibsan karo isagoon ka war warsanayn lacagtii account-ka ayay kaa taalaa ee sug inta aad la soo baxaysid, waana adeeg loo baahnaa.”
 
 

Leave a Reply