Hargeysa (DAWAN)- Maxakamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa shalay xukun xadhig ah ku riday Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdillaahi Abokor, ka dib markii lagu helay inuu aflagaadooyin been abuur ah u jeediyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, eedaymahaasi oo sumcad-xumo u soo jiidayay Somaliland.
Maxkamadda Gobolka ayaa saddex sanno oo xadhig ah ku xukuntay Cabdillaahi Abokor, sidoo kalena waxay hal sanno oo xabsi ah ku xukuntay Saleeban Cumar Guuleed oo ahaa ilaaladii guriga Wasiir-ku-xigeenka hore ee Amniga.
Qareenka u doodayey wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga oo magaciisa la yidhaa Foosi Sheekh Yoonis Xassan, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xukunka maxkamaddu ku riday Cabdillaahi Abokor iyo ninka ilaalada u ahaa, waxaanu ku dooday inuu yahay xukun siyaasadaysan.
Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa xabsiga loo taxaabay 30-kii bishii May ee sannadkan, kadib markii uu warbaahinta ka sheegay in xubno Wasiirro xukuumadda ka mid ahi xidhiidh la leeyihiin ururrada xag-jirka ah, isagoo ku guul-daraystay Inuu cadaymo horkeenno maxkamada dacwadiisa dhegaysanaysay.