Dhalinyaradda Jaamacadaha Hargeysa Oo Cambaareeyay Baaq Ka Soo Yeedhay Waddani

0
448

Hargaysa(DAWAN)Dhalinyarada Jaamacaddaha Magaalada hargaysa ayaa ka hadlay Khilaafka Cakiran ee dhax Qarxay Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland waxaana ay usoo jeediyeen in ay isku tanaasulaan.
Dhinaca kale waxa ay ka hadleen xildhibaano sheegay in ay dalka soo galinayaa Ciidamo shisheeye,waxaan ay arrinkaasi ku tilmaameen mid qaran dumis ah.
Waxa ay guddoomiyaha Golaha wakiilada u soo jeediyeen inaanu dalka khal-khal Galin isla markaasna uu saxo Xeerka ay xildhibaanadu shegeen inuu khalday.
Ugu Horayn shirjaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargaysa ayaa wax ka hadlay Cabdilaahi  Maxamed waxaanu yidhi “anaguna haddii aanu nahay  dhalinyaradda waxaanu jecel nahay Amaanka Wadanka Loomana Baahna Dalka In fawdo laga rido,Wixii Khilaaf ahna in laysku tanaasulo laakiin Cabdiraxmaan Cirro waxaanu leenahay Maanta May ahayn inaad xeer khaldan gudbiso adiga oo doonaya Doorasho madaxtinimo Sidaasna Shacabku kuguma Aamini Karaan,Dalkana in cid gaar ah ama shisheeye  loo gacan taago ma ogolaan doono,Wixii ay xildhibaandu Kuu dhiibeena ee ay u codeeyeen sidoodii u gudbi ayaanu ku leenay.”
: Abubakor Axmed Xasan oo ka mid ah Dhalinyarada Jaamacada ee magaalada Hargaysa oo isna kulan kaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Aniga oo ka mid ah Ardayda Jaamacadaha Magaalada Hargaysa siiba Jaamacada Golis waxaanan ka xunahay Khilaafka ka dhex abuurmay Golaha wakiilada ee xildhibaanno ka mid ahi ay leeyihiin dalka dawlado shiyeeye ha soo faro galiyaan waa arrin laga naxo,waxaanan Guddoomiye Cirro leenay Dalka Fowdada ka daaya oo xildhibaanadu wixii ay u codeeyeen u gudbi golaha guurtida Dalkana Ha isku dhufan.”
Yaasmiin Yuusuf Muuse oo Iyana kulankaasi ka hadashay ayaa sheegtay Khilaaf kasta oo yimaada in lagu dhameeyo isku tanaasul waxaanay tidhi  “Golaha Baarlamaanka Looma dooran iyo noqdaan Gole Muran Laakiin wax loo doortay in wax u taraan shacabkii soo doortay,khilaafkan hada socdana Bulshadda waxa uu ku riday war war baahsan meel kasta oo ay joogaan dhegta  ayay u taagayaan Khilaafka,Waxaanan leenahay Khilaafka waxa uu ka abuurmay Xeer is khilaafsan oo uu gudbiyay Cabdiraxmaan Cirro una gudbiyay Golaha Guurtida waxaanan  odhan lahaa wixii khaldan halaysla saxo.”
Yaasmiin oo hadalkeeda sii wadatay  waxay intaas ku ladhay ”Dhuka ilaahay raga waxa uu ugu dhiibay in ay masuul ka noqdaan Xildhibaanadu Bulshadii soo doortay in ay u tudhaan ayaa wanaagsan,Wixi khilaaf ka dhaxeeyan in ay Aqal Hoostii ku dhamaystaan ayaa waajib ah,lakiin maaha in ay miidiyaha isku adeegsadaan,waxaanan odhan laha Dalka fawdo ha galinina.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply