Wasaaradda Daakhiliga Oo Badhasaabka Gabiley Ku Wareejisay Baabuur Lagaga Shaqaynayo Diiwaangelinta Madaniga ah

0
438

Hargeysa(Dawan): Wasaaradda  arrimaha  gudaha  Somaliland ayaa  shalay  ku wareejisay gobolka Gabiley gaadiidka loogu tallo galay in lagu fuliyo  diiwaan gelinta madaniga ah oo ka socota  qaar  ka mid ah goboladda dalka.
Gaadiidkani oo ay tiradoodu dhamayd shan baabuur oo ah kuwa loo qayaano Surf-ta, ayaa waxaa lagu wareejiyay badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (mustafe-shiine)  iyo taliyaha qaybta ee ciidanka booliska Gabiley oo lagu waddo in ay maalmaha soo socda diiwaangelintu ka bilaabanto.
Agaasimaha maamulka  ee wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Cismaan Dube, oo gaadiidkaasi ku wareejiyay badhasaabka iyo taliyaha booliska ee Gabiley, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay  in baabuurtani  lagaga hawl-geli doono goobaha ay ka dhacayso diiwaangelinta madaniga ahi.
Maxamed Cismaan Dube, waxa kale oo uu sheegay in baabuurtani ay yihiin qaybtii koowaad ee gaadiidka loo qorsheeyey in lagaga shaqeeyo fulinta diiwaangelinta madaniga ah, isla markaana hada dekadda Berebra soo gaadheen toban baabuur  ka mid ah gaadiidka loogu tallo galay in ay ka hawl-galaan diiwaangelinta muwaadiniinta.
Agaasimaha maamulka  ee wasaaradda arrimaha gudaha isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Waxaanu maanta  (shalay) halkan ku wareejinaynaa gaadiidkii loogu tallo  galay goobaha diiwaan gelinta madaniga ah, waxaanan rejaynaynaa inay si fiican u gudan doonaan hawlaha loogu tallo galay”.
 
. Dube, ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah in ay is-diiwaangeliyaan, isla markaana ay muujiyaan wadaniyad.  “Waxaan  dadweynaha u soo jeedinaynaa inay is-diiwaan geliyaan oo ay muujiyaan muwaadinimadooda” ayuu yidhi Maxamed Cismaan Dube.
madaxa   gaadiidka ee wasaaradda arrimaha gudaha  Cali Ibraahim  Waqooyi oo isna hadal ka jeediyay goobtii ay   gaadiidkaasi  ku  wareejinayeen ayaa  sheegay in baabuurta ay wareejiyeen ay yihiin   hormadii koowaad ee gaadiidka loogu tallo  galay in lagu fuliyo diiwaan gelinta madaniga ah. Isla markaana ay ka hawl-geli doonaan marba gobolka ay diiwaangelintu ka soco.
 
waxaanu yidhi “Waxaanu maanta (shalay) wareejinaynaa hormadii koowaad ee gaadiidka ah ee loogu tallo galay diiwaan gelinta madaniga ah ee dalka ka socota, waxaanay gaadiidkani ka hawl gali doonaan kolba gobolka ay diiwaan gelintu ka socoto.  waxaana dhawaan ina soo gaadhi doona qaybtii labaad ee gaadkii loogu tallo galay diiwaan gelinta madaniga ah, oo haatan dekedda Berbera soo gaadhay.”
Dhinaca kale taliyaha qaybta ciidanka booliska ee gobolka Gabiley oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi gaadiidka kula wareegay ayaa  ka mahad celiyey gaadiidkaasi lagu wareejinayay.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply