Maalintii Ugu Danbaysay Nolosha Rasuulka (scw)

0
416

Saxaabiga Aanas Ibnu Maalik (Rc) wuxu yidhi: “Muslimiinta oo tukanaya Salaaddii Subax, maalintii Isniinta ahayd, iyadoo   Abuubakar ASidiiq uu dadka tukinayo, ayuu Nabigu (scw) si kedis ah ugu soo baxay. Wuxuu Daaha ka fayday gurigii Caa’isho, wuxuna soo eegay saxaabadii oo tukanayay iyagoo safafkii ku jira, markaas ayuu aad u jeclaystay oo dhoola caddeeyay.
Abuubakar (Rc) ayaa markaas dib u baxay isagoo u qaatay inuu Nabigu (SCW) doonayo inuu Salaadda usoo baxo. Saxaabadiii baa ku sigtay inay Salaadda ka baxaan farxad ay Nabiga (SCW) Caafimaadkiisa ku faraxsan yihiin darteed. Nabigu (SCW) wuxuu dadkii gacanta ugu tilmamay inay Salaaddooda dhamaystaan.
Qolkiisii ayuu dib u galay, daahiina wuu sii daayay “Dadkii markii ay Salaaddii ka bexeen way kala tageen iyagoo u haysta in Rasuulka Allah (SCW) uu bogsaday. Abuubakarna wuxuu tegay guri magaalada geesteeda ahaa. Isla maalintaasa Isniinta ah , Barqadii ayuu xanuunkii Nabiga (SCW) ku sii xoogaystay….
 

Leave a Reply