Shimbirta Guumaysta Oo Lagula Dagaalamayo Jiirka

0
448

Dalka Souhth Africa waxa laga bilaabay mashruuc noociisu cusub yahay oo aad loola yaabay ka dib markii la sheegay in Shimbirta Guumaysta loo adeegsan doono la dagaalanka Jiirka magaalooyinka oo dhib ku haya bulshada. Mashruucan ayaa keenay boqolaal shimbirta Guumaysta ah oo lagu siidayanayo goobaha dadka shacabka ahi ay degan yihiin sida magaalooyinka.
Madaxa shirkadda hindistay fikradan ayaa sheegay in hadafka hawlgalkani yahay in Jiirka waxyeelada u leh bulshada la cidhib tiro, iyadoo loo adeegsanyo shimbirta Guumaysta.
Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in Guumaystu tahay xalka keliya ee ugu wanaagsan madaama ay iyadu tahay mid ku xidhan dadka oo ilaa weligeed la noolayd.
Warbaahinta ayaa cadaysay in Jiirkani uu weeraro ku hayo caruurta yaryar, ka dib markii ay tiradiisu gaadhay malaayiin magaalada Johensberg ee Koonfur Africa.

Leave a Reply