Midawga Yurub Oo Ka Wada Hadlaya Dadka TahriibayaashaLa wadaag

0
412

Saraakiisha ilaalada xadka Midowga Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Brussels si ay uga wadahadlaan sida ugu wanaagsan ee loola tacaali karo qulqulka soo galootiga qaaradda Yurub.
Kullankan, waxa uu dhacayaa iyadoo maanta lagu wado in dawlada Talyaaniga ay isu diyaarineyso inay ku wareejiso ilaalada badda Mediterranean-ka xoogag xadidan oo EU ah, kuwaasi oo xoogga saari doona ilaalinta xadka halkii ay ka fulin lahaayeen baadhis iyo badbaadin.
Golaha qaxootiga Yurub ayaa sheegay niyad ahaan ay qaldan tahay in laysku dayo in la weeciyo soo galooti cusub iyadoo la ogolaanayo dad badan inay badda ku dhintaan.
Ugu yaraan sadax kun ayaa ku dhintay sanadkii la soo dhaafay iyagoo isku dayay inay u gudbaan Yurub, waxayna ciidamada badda Talyaanigu badbaadiyeen boqol iyo konton kun oo kale.

Leave a Reply