Qaranimo Iyo Qabiil Isma Qaban Karaan

0
508

Q: 1aad
Akhristoow sida aan la wada socono Somaliland waxay jirsatay muddo ku dhow 23 sano oo ay gooni isu-taagtay,ilaa xiligaasna waxa ka jirey xukuumadu siday doonaan itaalkoodu ha ahaadee.
 
Marka aynu ay dib u jaleecno taariikhdoodiinii hore siiba aasaskeeddii waxay ka soo unkatay dhinaca miyiga oo aynu odhan karno, waxayba sees u ahayd nolosheena, kadibna muddo iminka laga joogo sadex ilaa afar qarni waxaa bilaabmey samaysankii magaalooyinka kuwaasoo,markii hore ku teedsanaa dhulkeena xaga xeebaha yaal , iyadoo ay sababtu ahayd, dadkii xadaaradaha inagaga horeeyey siiba carabta ,hindidii, gumeysiyaddii iyo wadamaddii kale ee aynu xidhiidhka ganacsi la lahayn, oo badidoodu ka soo degi-jirey  magaalooyinka dhinaca xeebaha ku teedsan,halkaas oo lagu kala bedalan jiray alaabooyinka muhiimka ah.
Dadkaasi ayaa sida taariikhda ku duugan,waxay ka koobnaayeen jinsiyado kala duwan oo ka kala yimid wadamadda Carabta, Cafar, Turki, Pakistan, Hindi iyo Muslimiinta ku nool dhulka xabashida, waxa ugu weyn ee isku xidhi jirayna waxay ahayd Diinta Islaamka oo dhaqankoodu ku Salaysnaa iyo caadooyinkoodaba, waxay ahaayeen dad ka xoroobay aafada Qabiilka iyo waxa la xadhiidha, waxaa kale oo ku noolaa Yahuud samayn jirtay Dahabka oo lagu Qadarin jirey Caadooyinkooda iyo waxay aamin-sanyihiin, ganacsigu waxuu ku iman-jirey maraakiibta iyo doonyaha waaweyn oo u kala gooshi jirey Badda Cas ( Red sea ).
Qoraalada laga hayo taariikhda Somalilandway farabadan yihiin, balse aan ka soo qaado, socdaalo oo ay ku soo kala bixiyeen taariikhdeena  niman la kala odhan jiray  Richard Burton & Johnston,xilligaa ay labadaa nin soo kala mareen ,xeebeheena badda cas ku yaalay, waxay ahayd 1844-kii oo uu Johnston soo maray iyo 1854-kii oo uu Richard soo maray, iyagoo xilligaasi ku sii socday magaalada Herer, magaalada Berbera ayaa xiligaasi loo yaqaanay magaca “Malawo” waxay ka mid ahayd magaalooyinka ay warbixintu ka bixiyeen Richard Burton iyo Johnston-ba, waxayna labadooduba ku tilmaameen sebenadaa, inay magaaladu ahayd magaalo weyn, oo lagu samayn jirey carwooyin waaweyn oo ganacsi, gaar ahaan xilliyada magaaladu qabawdahay.
Qarnigii 19-naad horraan-tiisii ilaa dhammaadkiisii, magalaada Berbera dadka deggenaa waxay u badnaayeen Carab iyo Hindi, balse waxaa dadkaa ajaanibka ah u ahaa “Abbaan” dad Somalilander ah, waayo suurtagal may ahayn in qof qalaad uu Abbaan la’aan ku dhexjoogo magaalooyinka xeebaha Somaliland, Nin la odhan jiray Drake-Brockman oo Somaliland ka qoray buug aad u faahfaahsan 1912-kii wuxuu ku qiyaasay tirada dadka Berbera inay u dhaxay-say 15,000 ilaa 30,000 xilliga qaboobaha, balse xilliga xagaaga ama kulaylaha ay tiradaasi hoos ugu soo dhici jirtay 5000-10,000 oo qof ,magaalooyinka ku yaalla xeebaha Somaliland, kumay koobnayn Berbera , ee waxaa jiray magaalooyin kale oo qaar ka midi ay kaba facweyn yihiin Berbera. Sida magaalooyinkaa Seylac, Laasqoray, Bullaxaar, Maydh iyo Xiis.
Dadkii markay ay qaba-timeen magaalooyinka waxay la yimaadeen hab ka duwan,qaabkii loogu noolaa noloshii miyiga, waxaana dadku u dhaqmeen sida magaalooyinka caalamka ku yaala. oo kale , waxaana bilaabmey sida  ganacsiyo kala nooca iyo dhismayaal kala duwan, waxaana isla-markiiba meesha ka baxday adeegsiga bahasha qabyaalada, maadaama hadaba waqtigaasi asbaabihii qabyaalada loo adeegsan jiray ay yaraadeen noloshiina ka baxday tii aynu lahayn ee reer miyinimo, isla-markaana la  bartay nolol cusub oo magaalanimo taasoo dhaqankeeda wadata, waxay dadkii magaaladu barteen maamulka, iyagoo markiiba u dhaqaaqay xaga siyaasada. Iyo horumarka ,Laakiin miyigii oo keliya ayey ku sii hadhay qabyaaladii. LA SOCO QAYBTA 2aad……
 
ALLAA Mahad & Mudnaanba leh,
TELL: 063-4000578
AHMED RASHEED
HARGEISA SOMALILAND
 

Leave a Reply