“Xisbiyadda Gabiley Ku Soo Cararayay Cid Miisaan Lihi Kumay Biirin..”Badhasaabka Gabiley

0
363

Gabiley (Dawan): Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) ayaa nasiib darro ku tilmaamay olole aan ujeedadiisa la garanaynin oo ay maalmahan dambe gobolka Gabiley ka dhex wadeen xisbiyadda mucaaridka ahi.
Badhasaabku waxa uu sheegay in labadda xisbi ee UCID iyo Waddani  oo tegay  Gabiley   ay ardayda  dugsiyadda iyo dad ma shaqaysteyaal ah oo suuqa joogay  inta ay  isku soo ururiyeen ka dibna ay halkaasi madaxweynaha qaranka ka af-lagaadeeyeen.  Waxaanu tilmaamay in  aanay cidna ka ogolaan doonin inay madaxweynaha digniin iyo hadalo xun-xun u jeediso.
Badhasaabku waxa uu sidaasi ka sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maalmahan dambe waxa jiray in xisbiyaddii ay gobolkan Gabiley u soo cararayeen oo aad ogaydeen  UCID oo laba jeer ku soo noqotay iyo Waddani oo isna yimid, dadweynihii markaa qaarkood ayaa  si kale wax u arkay, horta dhalinyaro ayuun baa ku biiray ee dad miisaan leh oo reer Gabiley ahi  kuma biiraynin inta Gabiley ay yimaadaan mucaaridku oo ay dhalinyaro ururiyaan ciyaalo iskuul ah ama qaar ma shaqaysteyaal ah oo suuqa jooga in ay hadlaan oo ay madaxweynaha halkan digniin uga diraan waa wax nasiib darro ah. Madaxweynaha aniga ayaa halkan uga wakiil ah, cidii hanjabaad uga dirtaana sharciga ayaanu marsiinaynaa”.
Dhinaca kale  Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine),  ayaa sheegay in gobolka Gabiley ay dhawaan ka bilaabmayso diiwaangelinta muwaadiniinta oo si tijaabo ah muddo bil ah uga socotay caasimadda Hargeysa.
waxaanu tilmaamay in gobolka Gabiley uu noqday gobolka labaad oo ay si tijaabo ah toddobaadkan uga bilaabmi doonto diiwaangelinta muwaadiniintu.  “Gabiley wuxuu noqday gobolkii labaad oo ay ka bilaabanayso diiwaangelintii  in badan ayaa la I waydiiyay haddii aynu  reer Gabiley nahay diiwaangelintii Hargeysa ayuun bay ka socotaaye goorma ayay ina soo gaadhaysaa, sida ugu dhakhsaha badan saddex cisho dabadeed Gabiley way ka bilaabmaysaa diiwaangelintii muwaadinintu” ayuu yidhi badhasaabka Gabiley.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply