“Waan Arkayaa In Adeegyaddii Horumarinta Wax idinka Dhiman Yihiin, Waxaanse Gaadhsiinayaa Hay’adaha ku Shaqadda Leh” Wasiirka Duulista

0
591

Saylac(DAWAN)- Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Jamhuuriyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,  ayaa shalay  gaadhay Magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal ee galbeedka dalka
Wasiirka oo ka soo wareegay dhinaca dalka Jabuuti ayaa waxaa marinka magaala xudeeda Lowyacado kaga hortegay Badhasaabka Gobolka Salal iyo ku xigeenkiisa, Maayorka degmada Saylac iyo Xoghayaha Dawlada hoose ee Degmada Saylac.
 
Wasiirka ayaa kulan la yeeshay Madaxda gobolka Salal waxaana warbixin kooban ka siiyay Maayarka Degmada Saylac  Xuseen Iidle Barkhadle, waxaanu ka war-bixiyay mashaariicdii u hirgalay labadii sannadood ee la soo dhaafay.
 
Sidoo kale badhasaabka Gobolka Salal C/rasaaq Waabari Rooble oo ka hadlay kulankaasi ayaa ka sheegay in xaaladda nabad-gelyo ee gobolkaasi aad u wanaagsan tahay, isagoo xusay inay wada shaqayn buuxda leeyihiin dalalka xadka la wadaaga gobolka Salel, waxaanu yidhi  “Gobolkani waa Gobol aad u balaadhan waxa uu Xad la wadaagaa Wadamada Yemen oo xaga badda ah,Ethiopia iyo Jabuuti intaba waxaan  leenahay Xidhiidh wanaagsan waxaan ka wada shaqaynaa nabadgelyada.”
Wasiirka Wasaarada Duulista iyo hawada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ujeeda Socdaalkiisa ka waramay waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Saylac Waa magaalo taariikh weyn ku fadhida,dhinaca Dhaqaalaha waa goobta sadexaad ee dhaqaalaha Dalka waan arkayaa inay xagii Adeegyada Bulshada wax dhiman yihiin idinkuna waxaa markhaati ka tuhiin in wax la qabtay sida Waxbarashada oo kale aniguna,  waxaan ku dedaalayaa wixii dhiman inaan gaadhsiiyo hay’adaha ku shuqulkaleh.”
Wariye:Maxamed Cawaale Daahir.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply