Wakaallada Biyaha Iyo Dawladda Hoose Ee Burco Oo Iska Kaashaday Hirgelinta 6 Kayd Biyood

0
407

Burco (Dawan)- Maamulka Gobolka Togdheer, Maamulka Degmada Burco ,Madaxda wasaarada Biyaha iyo wakaalada Biyaha ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay lix taangi oo kayd biyoodo ah oo ay yeelan doonto Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Badhasaabka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo munaasibadii dhgaxdhigaasi  ka hadlay ayaa yidhi ”Burco waxay ku cabi jirtay beebkaas ay daynabadu ka shaqaysiinayso oo hadii ay daynabo xumaato umadu way biyo beeli jirtay, hadana waxaan filayaa  sanadkani intaanu dhamaan in ay inoo dhaman doonaan lix taangi oo kayd biyood ahi nasanna doonaan daynabooyinka ceelasha biyaha inooga soo saaraayay, waayo Todoba iyo toban saacadood bay mishiinadu shidan yihiin, hada waxaanaynu helaynaa biyo kayd ah.”

Maayar ku xigeenka Magaalada Burco Muxumad Xasan Jaamac (Xoday) oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa Faahfaahin ka bixinayaa Taangiyadani waxa uu yidhi ”Burco xaga Biyaha hodan bay ku ahayd, waxaa kaliya oo inaga dhinaa inaynu yeelano kayd, kaydkii baynu hada wadnaa, tanina waxay ka mid tahay qorshayaashayadii sanadkan, waana gabagabo qorshayaashii aanu sanadkan ku talo galay.”

Isu duwaha wasaarada Biyaha Gobolka Togdheer Rashiidh Faarax Cabdi ayaa sheegay in mashruucan ay iska kaashadeen Dawlada hoose iyo wasaarada Khayraadka Biyaha, waxaanu sheegay in ay yihiin laba taangi oo la dayactirayo iyo Afar Cusub oo la dhisayo.

Maareeye ku xigeenka wakaalada  Biyahaya Burco Faarax Cali yuusuf ayaa isna tafaasiil ka bixiyay, isla markaana tilmaamay inaanay Burco Biyo yaraan danbe ku iman doonin taangiyadan kaydkuna ay Magaalada anfaci doonaan.

By: Axmed Yuusuf

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply