Ujeedada Socdaal Ban Ki-Moon Ku Tagey Muqdisho

0
408

Muqdisho, (Dawan)- Wefti uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa Muqdisho soo gaadhay shalay, iyadoo weftigaas oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha bangiga adduunka.
Xubno ka tirsan dawladda Soomaaliya iyo saraakiisha AMISOM ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ammaanka meelaha ku dhow garoonka aad loo adkeeyay.
Ban Ki-Moon ayaa intii uu Muqdisho ku sugnaa kulan la yeeshay madaxda dalkaas iyadoo kulammadan looga hadli doono sidii lagu gaarsiin lahaa Soomaaliya nabad iyo dowladnimo waarta.
Imaanshaha Ban Ki-Moon ayaa kusoo beegmaya iyadoo walaac xooggan ay dunidu ka qabto khilaafka u dhexeeya madaxda dalka, kaasoo aan weli wax xal ah loo helin.
Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda ayaa sheegay in weftiga Ban Ki-Moon ay la kulmeen saraakiisha AMISOM oo dawladda ka caawiya dagaallada ay kula jirto Al-shabaab dhowrkii bilood ee u dambeeyayna kala wareegay deegaanno dhowr ah.
Waa markii labaad ee Ban Ki-Moon uu yimaado Muqdisho, isagoo hore u yimi sannadkii 2012-kii xilligaasoo ay jirtay dawladdii KMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.
Madaxda Soomaaliya, sida madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Cabdiweli Sh. Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan (Jawaari) ayaa shalay si wada-jir ah kulan ula yeeshay xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon iyo weftigii uu hoggaaminayay oo booqasho saacado qaadatay ku joogay Muqdisho.
Kulanka oo ahaa mid ay albaabbadu u xirnaayeen ayaan la ogeyn waxyaabaha rasmiga ah ee lagaga wada hadlay, balse markii uu soo gaba-gaboobay ayaa waxa la hadlay saxaafadda madaxda dawladda Soomaaliya, Ban Ki-Moon iyo weftigii la socday. “Nabad iyo ammaan lama gaadhi karo haddii aanu jirin horumar, sidoo kalena horumar ma jiri karo haddii aanu ammaan jirin,” ayuu BanKi-Moon ku billaabay hadalladii uu shirka jaraa’id ka jeediyay, isagoo ku baaqay in laga shaqeeyo sidii Soomaaliya loo horumarin lahaa, amnina loo gaadhsiin lahaa.
Mar uu ka hadlayay siyaasadda Soomaaliya ayuu sheegay Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyay horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya, isagoo xusay inay ka duwan tahay Soomaaliya sidii ay ahayd markii uu ku yimi booqashadii ka hore sannadkii 2012-ka. “Saddex milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan gargaar bani’aadamnimo oo deg-deg ah, nasiib-darro tirada dadkaas aad ayay u sii kordhaysaa, waxaana ugu baaqayaa deeq bixiyeyaashi inay caawiyaan Soomaaliya si aanay mar kale u dhicin macluul,” ayuu mar kale yidhi Ban Ki-Moon.
Ban Ki-Moon wuxuu ammaanay dhismaha maamul-goboleedyada Soomaaliya, isagoo xusay in loo baahan yahay inay noqdaan kuwo loo dhan yahay oo ay kaalin muuqata ku yeeshaan haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Weftigii la socday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka mid ahaa; guddoomiyaha bangiga adduunka Jim Yong Kim iyo mas’uulka ugu sarreeya bangiga horumarinta Islaamka, Axmed Maxamed Al-Madani, iyagoo sheegay inay Soomaaliya ku caawinayaan balaayiin lacag ah si wax looga qabto horumarinta dalka.
Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay door muhiim ah ku lahayd beesha caalamka, haddana dib loosoo nooleynayo doorkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray inay weftiga Muqdisho  gaadhay ay wada-hadallo wanaagsan la yeesheen, kaasoo lagaga caawiyo Soomaaliya meelaha ay doonayso in horumarka laga sameeyo, isagoo u mahadceliyay weftiga uu hoggaaminayay Ban Ki-Moon.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isaguna ka hadlay goobta ayaa si aad ah uga sheekeeyay barnaamijka hiigsiga cusub ee lagu doonayo in sannadka 2016-ka ay Soomaaliya ka dhacaan doorashooyin, isagoo intaas ku daray in uu aad ugu niyad-wanaagsan yahay in ujeeddooyinkaan la gaadho, balse ay jiri karaan caqabado ka hor imaan kara, loona baahan yahay in lagaga wada-hadlo miiska dushiisa si xal looga gaadho.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha bangiga adduunka, Jim Yong Kim ayaa xusay in dalalka Britain iyo Sweden ay Soomaaliya ugu yabooheen lacag gaadhaysa 110-milyan oo doollar, taasoo uu sheegay in wax lagaga qabanayo dhismaha iyo horumarinta Soomaaliya.
Weftiga Ban Ki-Moon ayaa booqashadooda ka dib u dhoofay dalka Kenya, iyagoo socdaalkooda uu qayb ka yahay socdaallo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika, isagoo hore u soo maray dalka Jabuuti.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply