Cuntada Caafimaadka u Leh Dadwaynaha

0
543

• Cuntooyinka aad cunaysid waa in ay noqdaan kuwo kala duwan oo ay kamid yihiin khudaarta la
kariyo, khudaarta macaan ee midhaha leh, hadhuudhka, digirta, sareenka, hilib, kaluun,
caano, iwm.
• Cuntooyinka caafimaadka leh waa kuwa baruurta, sonkorta iyo cusbadu ay ku yaryihiin. Marka
lacunayo, waa in la cuno in qiyaas ah oo aan badnayn.
 
• Waxyaabaha aad cunayso waa in ay yihiin midho nafaqo leh sida bariiska aan caddanka ahayn,
heeda, sareenka, iyo waxyaabaha laga sameeyo daqiiqda cas ee qamadida, sida roodhida cas,
baastada cas, boorash. Waxyaabahaasi waxay leeyihiin buushe (fiber) caloosha u wanaagsan.
• Waxaa muhiim ah in aad cunto khudaar badan oo kale duwan ugu yaraan maalintii shan goor.
Khudaartaasi waxay noqonkartaa mid cusub, mid qasacadaysan, ama mid barafaysan.
• Yarayso cuntada suuqa laga cuno iyo ta diyaarka ah ee lasoo iibsado ee la diirsado waayo
cuntooyinkaas waxaa ku badan cusbada iyo dufanka.
• Cunida cuntada wanaagsan waxay adiga iyo reerkaagaba kaa caawinaysaa in aydun kunoolaataaan
nolol caafimaad leh oo qof walbana ku fiicnaado shaqadiisa, dugsigiisa iyo wax yaabaha kale ee la
 
Waxtarka caafimaad ee dhaqdhaqaaqa 
• Qof waliba waa in uu sameeyo 30 daqiiqo oo dhaq-dhaqaaq ah (jimicsi, lugee, ciyaar).
Caruurtu waa in ay ciyaarto ugu yaraan saacad maalintiiba.
• Dhaq-dhaqaaqaaga waxaad ku badin kartaa adiga oo kora jaranjarta, yareeya isticmaalka
gaadhigaaga ama ulugeeya meelaha aad u baahantahay.
• Socodku waa caafimaad ee ku dadaal in aad mar walba oo ay kuu suurto gasho aad lugaysid.
• Isku day in aad reerka oo dhan howl-geliso si ay iyaguna u helaan dhaq-dhaqaaq fara badan.
(Wada lugeeya ama ciyaara kubadaha kala duwan.)
• Ugu dadaal in caruurtu dibada ku soo ciyaarto si aanay guriga u fadhiyin oo aanay TV u daawan
• Dhakhaatiirtu waxay ina farayaan in caruurta ka yar laba sano aanay daawan TV. Hadii uu
cunugu ka wayn yahay laba sano in uu daawado laba saacadood oo weliba ah barnaamij ama
ciyaaraha video-ga oo wacan oo wax uga kordhayaan.
• Hadii ay suurto gal tahay, caruurta gudaha ku ciyaarsii oo ha cyaaraan ciyaarro dhaq-dhaqaaq
leh sida xadhiga ama qoob ka ciyaarka
• Dhaq-dhaqaaqa badani wuxuu adiga iyo reerkaaga usoorto gelinyaaa in aad noqotaan dad
caafimaad qaba, xoogan awood leh niyad wacan oo aan ka wel-welin naaxitaan.
 
Ma ogtahay akhriste in cuntada oo wakhtigeeda la cayima xoojiso caafimaadka aadamaha
 
Waa Wakhti Ugo’an Qoyska
• Ukari qoyskaaga cunto nafaqo leh oo dheeli tirran. Cuntaadaana si wadda jir ha ha loogu
wada fadhiisto oo haloo wadaago.
• Xiliga cuntadu lacunayo waa wakhti muhiim ah oo aad waraysankartid caruurtu waxay
lasoo kulmeen maalintaas. Sidoo kale, waa wakhti aad u sheekayn kartid ama aad ka waanin
kartid waxyaabaha muhiimka ah oo ra’iyo la’isdhaafsan karo.
• Ka ilaali in caruurtu daawato TV ama ciyaarto ciyaaraha video-ga xiliga ay cuntada
cunayaan.
• Cuntada la wadaago ee mar lawada cunno waxay hagaajisaa xidhiidhka iyo horumarka
• Waxaa la cadeeyay in caruurta badanaa cuntada lawadaagta qoyskooda wakhtiga in ay ka
caafimaad badantahay caruurta kale oo ay kaga fiicanhiyiin xaga waxbarashada.
• Caruurta joogtada ula cuntaysa ee la sheekaysta waalidkood ama eheladooda waxaa la
sheegay in xidhiidhka qoyskoodu uu ka adag yahay kuwa kale.
 
 
Cudurka iyo buurnidu waa walaallo
 
• Cunitaanka cuntada xad-dhaafka ah waxay dhacdaa marka uu qofku cuno cunto badan uu jidhku
qaadikarin.
• Cunitaanka cuntada badan iyo dhaq-dhaqaaq la’aantu waxay kugu biiriyaan culays badan uu jidhku
xamilikarin.
• Waa muhiim in aad culayska badan iyo baruurta badan iska ilaaliso
• Siyaabo badan ayaad isaga ilaalin kartaaa baruurta ama culayska jidhka, waxaana ka mid ah:
o Yaree cunitaanka cuntooyinka sonkorta iyo dufanku kubadan yihiin
o Yaree cuntada in aad ka cuntid
o Jooji cunitaanka cuntada marka aad dharagtid
o Badi dhaq-dhaqaaqaaga
ka  taxadirka baruurta iyoculaysku wuxu  kaa badbaadinayaa
cudurada ay ka mid yihiin:
o Xanuunka xubnaha
o Dhiigkar
o Sonkor ama kaadi macaan
o Wadna xanuun
o Cudurada kala duwan ee hudhaha ama goosatada.
 
Nadaafada cuntada diyaarinteedu waa qodobka kowaad caafimaadka aadamaha
• Gacmahaaga saabuun ku dhaq mar walba oo aad cunto samaynayso ama cunto aad cunayso.
• Khudaarta dhaq intaanad cunin.
• Hilibka iyo kaluunka (malaay) qaydhiinka ah ka fogee oo ha taabsiin cuntada bisil.
• Cuntooyinka sida hilibka iyo kaluunka (malaayga) iyo khayraadka kale ee bada kuxaree
talaagada si aanay u xumaanin.
• Marka aad dhamayso karinta, saabuun ku dhaq kijada iyo meelihii aad wax ku googoosatay oo
• Cuntada karsan waa in aanay dibada oolin mudo kabadan laba saacadood.
• Cuntada bisil ee soo hadha waa in aad kuridid weel xidhan oo aad galis talaagada.
• Nadaafada cunto kariska waxay qoyskaaga ka badbaadinaysaa cudurada kayimaada cuntada
xumaata ama qudhunta.
• Marka aad cuntada hadha u kaydisid si wanaagsan waxaad ka bad-baada cudurada ay keento
cuntada qudhunta ee lagu sumoobo.
 
 

Leave a Reply