Wadanka Norway Iyo Dadaalka Hoos U Dhiga Dhimashada Carruurta Dhalata

0
416

Dadaal heer sareah oo la sameeyay kadib ayaa la sheegay in ay hoos u dhacday tirade dhimashada caruurta iyo hooyooyinkii u dhiman jiray xaalada uurka iyoxiliga dhalmada
Dadaaladala sameeyay waxa ugu waawayn horumarka laga gaadhay daawooyinka, daryeelada kale ee la siiyo waalidiinta iyo caruurta. Wadankan Noorway  ayaa  ah dariiqada   ugu saxsan ee loo yareeyay dhimashada caruurta yar yar  taas oo hada aad u yar markii la barbar dhigo wadamada kale iyo waqtigii hore.
Dumarka uurka leh ee Noorway waxay xaq u leeyihiin baadhitaan waqtiga ay uurka leeyihiin oo bilaasha ah. Xarumaha caafimaadka dumarka iyo dhalaanka iyo dhakhaatiirta khaaska u ah qoysaska  ayaa ka mas`uul ah baadhitaankan. Baadhitaankuna waa mid tabaruc ah. Ujeedaduna waxay tahay in hooyada iyo caruurta uurka ku jira helaan daryeel caafimaad waqtiga uurka, waqtiga dhalmada iyo dhalmada ka dib.
Noorway waxaa hooyooyinka lagula taliyaa inay isbaaraan 8-12 jeer waqtiga ay uurka leeyihiin. Dumarka inta badan waxay ku dhalaan isbitaalka, waana lacag la`aan.
Dadaaladaaswaxa kamida daryeelka ka danbeeya dhalmada ee la siiyo hooyada iyo ilmaha yar kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin talaalada ka hortaga cudurada ee  caruurta iyo ka hortaga dhiig baxa hooyada dhalmada kadib.

Leave a Reply