Dhakhaatiir Shiine ah oo ku guulaystay inay Wiil yar oo gacani ka go’day ugu dhejiyaan Lugtiisa

0
412

Dhakhaatiirta dalkaasi Shiinaha ayaa ku guulaystay inay wiil yar oo ay hore gacantiisu uga go’day ugu sameeyaan lugtiisa agteeda,taas oo timid kadib markii ay ku sameeyeen qalin muddo qaatay.
Wiilkan ayaa lagu magcaabaa Xiao Wei ayaa lagu guulaystay in gacantiisaasi loogu xidho lugtiisa,iyada oo ka maqnayd muddo bil ah,sidaasna waxaanu u samaynay ayay yidhaahdeen dhakhaatiirtaasi si aanu u badbaadino noloshiisa iyo niyadiisaba.
Dhakhaatiirtan ayaa balan qaaday inay isku deyi doonaan inay wixii ka dambee bil ay kusoo celin doonaan gacantaasi meesheedii.
Xiao Wei ayaa ahaa mid ay gacantu ku go’day xili uu shaqo ku jiray,taas oo ku beegnayd 10-kii bishii ina dhaaftay,waxaana gacanta ka jartay mid kamid ah makiinadaha faaradaha,taas oo u ku shaqaynaayey waqtigaasi,waxaana markiiba gacantaasi lagu riday Baraf dhexdiisa ,taas oo keentay in markiiba loo qaado dhakhtar yar oo ku yaala magaalada lagu magcaabo Hunan.
Dhakhaatiirtan ayaa markiiba u gudbiyey wiilkaasi dhakhtar weyn ,kaas oo ay joogaan dhakhaatiir takhasuskoodu yahay gacmaha iyo dhaawacyada,waxaanay dhakhaatiirtaasi markiiba soo jeediyeen in lugtiisa gacantaasi lagu xidho.
Sababta ayaa lagu sheegay iyaga oo doonaayey inay gacantu sii noolaato inta lagu samaynaayo qaliin kale oo gacanta lagu geynaayo meesheedii hore ee ay ka go’day.
 
 

Leave a Reply