Waxa loo Sameeyay Waraaq Dhimasho Oo Been ah

0
394

Dalka Faransiiska Qoys u dhashay dalka Moroc ayaa ku sameeyay khiyaamo weyn garsoorka dalka Faransiiska. Qoyskan ayaa garsoorka usoo bandhigay waraaqo been abuur ah oo cadaynaya in wiilkoodu dhintay, kaasi oo loo haystay dil ula kaca.
Wiilkan ayaa sanadkii 2011 dilay nin ay saaxiib ahayeen ka dib markii uu minidi kaga dhuftay laabta magaalada Price ee dalka Faransiiska.  Wiilkan ayaa sida la sheegay u baxsaday dalka Moroco iyagoo waalidkii ku taageerayo.
Booliiska Faransiiska ayaa waaran soo qabasho ah u diray booliiska caalamiga ah si ay usoo qabtaan wiilkan, taasi oo ku keliftay qoyskan inay sameeyaan waraaqaha been abuurka.
Masuuliyiinta garsoorka Faransiiska ayaan ku qancin warqadan waxayna xidheen qaar ka mid ah qosyka wiilkan ka dib markii ay u arkeen inay denbiga wiilkan dib u dhigayaan.

Leave a Reply