Abwaan Jiheeye Oo Ku Shaaciyay In Uu Sharaxan Yahay Golaha Wakiilada

0
415

Hargeysa(Dawan):- Abwaan Ismaaciil  Yuusuf Cabdi(Jiheeye) oo ah suugaan yahan da,yar oo u dhashay Somaliland isla markaana ah dhaqan yaqaan suugaantiis aku cabira wanaagga iyo wada jirka Somaliland,ayaa ku dhawaaqay in  uu u taagan yahay doorashada Baarlamaanka Somaliland ee gobolka Maroodijeex isla markaana uu doonayo in uu dalkiis aiyo dadkiisaba wax u qabto kana shaqeeyo sidii dalka loogu soo saari lahaa shuruuc meel mar ah oo aan lagu murmin.abwaan jiheeye
Abwaan Jiheeye waxaa uu sheegay in ay ku dhalatay in uu is sharaxo ka dib markii uu arkay baahida loo qabo in la helo xildhibaanno hanan kara xilka qaran ee ay ummaddu ka sugayso.
waxaa uu abwaab Jiheeye ballan qaaday haddii la doorto in uu ka shaqayn doono sidii ay dalka ugu soo saari lahaayeen xeerar iyo shuruuc aan muran ka dhalan isla  markaana ka turjumaya danta guud ee caamka ee la wada leeyahay kana fogaan doono eex gobolaysi iyo nin jeclaysi labadasoo uu tilmaamay in ay yihiin kuwa keena dib u dhaca.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply