Wayab Wuxuu Suureeyay Musawirka Dhabta ah Ee Horn Cable TV

0
346

Hargeysa (Dawan)-Maalmihii la soo dhaafay waxa si isa soo taraysay u soo badanayay wararka aan anshaxa suuban waafaqsanayn ee TV-ga HCTV laasimay inuu ummadda ku marin habaabiyo, taasi waxay sababtay in Tifaftirihii Guud ee Wargeyskaasi Cabdilaahi Aadan Cumar, uu si rasmi ah uga tago shaqadii uu ka hayay muuq-baahiyahaasi Sabtidii toddobaadkan, ka dib markii uu u adkaysan waayay dheg xumadda  ka soo gaadhi karta wararka samayska ah, been abuurka ah  iyo kuwa xiqdiga xambaarsan ee  dadweynaha lagu kala fogeynayo  iyadoo siyaasad gurracan  laga leeyahay.
Waxa ka mid ah wararka aan anshaxa ka baxsan ee TV-gaasi sii daayay dabo-yaaqadii toddobaadkii hore oo la xidhiidhay in dadweyne reer Gabiley ahi ay gubeen calanka xisbiga KULMIYE, arrintaasi oo ahayd mid waxba kama jiraan ah, hase yeeshee uu soo alifay Weriyaha HCTV uga soo warama gobolka Gabiley, kaasi oo inta uu lagu eedeeyay inuu calanka gacantiisa ku gubay ka dibna uu duubay isagoo aan muujin wejiyadda dadka uu leeyahay waxay dab qabadsiiyeen calanka KULMIYE.
Bal aan is yar dul taagno qoraalkii uu Tifaftirihii Guud ee Horn Cable Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab) ku sabobeeyay istiqaaladiisa. “Anigoo ah Cabdillaahi Aadan Cumar [Wayab] waxaan iskay u go’aansaday inaan istiqaalad rasmi ah ka dhiibo shaqadii u hayey Horn Cable TV oo ahayd Tifaftiraha Guud, kadib markuu Mulkiilaha HCTV igu ixtiraami waayey hawshii iyo mas’uuliyaddii uu ii dhiibay,taasoo markaan weydiiyeyna uu iigu jawaaaybay aflagaado aanan gayin.”
Cabdilaahi Wayab oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Waxa dhacday in anigoo jooga oo ku sugan goobta shaqada aan ku war helo warar aan isoo marin oo ka baxa Tva, markaan su’aalo Madaxa Wararkuna uu   ii sheego inay tahay amarka Mulkiilaha. Arrintan markaan weydiiyey Mulkiilaha sababta uu anigoo ah Tifaftiraha iila socodsiin waayey, xataa si aan uga jawaabo haddii wax layga weydiiyo, waxa uu iigu jawaabo erayo aanan doonayn inaan halkan ku muujiyo balse ahaa kuwa aad u qallafsanaa oo aan sinaba ii qaban, isla markaana ku fiicnayn in loogu jawaabo qof shaqo idinka dhaxayso.”
Oday Cabdilaahi Wayab oo ah suxufi mihnad leh oo aqoon durugsan u leh mihnadda Saxaafadda, waxa uu go’aansaday inaanu ku sii dhex shaqayn Karin Hay’ad warbaahinteed oo si qayrul masuulnimo ah u adeegsanaysa qalabka warbaahinta, waxaanu sheegay inaanay habboonayn inuu ku sugo inta loo xidhayo masuuliyadda wararka turxaanta leh ee TV-ga ka baxaya, waxaanu yidhi “Haddaba, anigoo ogsoon inaan ahay qofka koowaad ee leh masuuliyada wax kasta oo ka baxa TV ga xumaan iyo samaanba waxay ila noqon weyday inaan sidaa ku sii dhex fadhiyo HCTV oo aan ku sugo in la i xidho ama dhibaato kale iga soo gaadho waxanan war iyo wacaal midna u ahayn, sidaaa awgeed ayaan Sabtidii 1-dii  Nov,2014 go’aansaday inaan istiqaalad ka dhiibo xilkii iyo shaqadii aan u hayey Horn Cable.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply