Dhibaatadda Hoonka Gaadiidka Jaadku Sidee Ayaa Habeen iyo Maalin Looga Cawdaa?

0
377

Sida aynu dhamaanteen ka warqabno magaalada Hargeysa way kortay ama balaadhatay, 20-kii  sano ee u danbeeyay waxaana lagu qiyaasaa dadka ku nool hal milyan iyo badh.
Waxaa degan madax kala duwan oo dalalka iyo hay’ado  caalami ah ka masuul ah, waxaa jooga kumanaan ajaanibi ah oo shaqaale ka ah hay’ado iyo shirkado kale duwan, wxaa baryahan danbe laga dhisay guryo iyo Huteelo loo dhisay sida kuwa caalamka, waxaa jira horumaro kale duwan oo ay dawlada iyo shacbiguba wadaan.
Waxa kale oo jira dhibaatooyin faro badan oo intooda badan loo aaneeyo ictiraaf la’aanta dalka haysa. Waxa kale oo jira dhibaatooyin in haddii loo fiirsado ama la is-xusuusiyo wax laga  qaban karo, waxaana ka mid ah dhibaatooyinkaa aan is-leeyahay haddii ay madaxda ay khusaysaa shaqadooda gartaan waa laga joojin shacbiga caasimada Somaliland ee Hargeysa dhibaatada uu ku  hayo hoonka gaadiidka jaadka sida habeen iyo maalin guud ahaan magaalada Hargeysa, waadhadhka ay bukaanku jiifaan, guryaha  carruurta iyo umuluhu jiifaan aan midna ixtiraamin waxaan is-leeyahay cidina sharciga kama sareysee haddii maayarka caasimada iyo golaha deegaanka laga joojinayo hoonka gaadiidka jaadka sida way joojin lahaayeen.
Hadii madaxda kale ee qaraku go’aamo lagu mamnuucaayo soo saaraan wuu joogsan  lahaa, waana dhaqan qadiim ah oo mudo 50 sano ka badan ka soo jiray Hargeysa  iyo magaalooyinka kale.
Ma jiraan caasimadaha inala jaarka ah ee Jabuuti iyo Addis Ababa mar haddii aynu doonayno in Hargeysa noqoto caasimada ay wakhti dhaw soo dagaan shirkado iy safiiro caalami ah waxaa waajib ah in hoonka gaadiidka jaadka la joojiyo dhamaan madaxda ay khuayso, heer deegaan iyo heer dawlad dhexe.
By: Idiris M.Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply