Xawaaraha Horumarka Waddooyinka Gobolka Awdal

0
374

Boorama (Dawan) Horumar ballaadhan ayaa ka Socda magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, halkaas oo ay hay’adda ASARDA ka waddo waddooyin casri ah oo aad u qurux badan, kuwaas oo wax weyn ka bedeley guud ahaan bilicda magaalada Boorama iyo isu socodka dadka iyo gaadiidkaba.

Guddoomiyaha gobolka Awdal. Cabdoo Axmed Aayer oo ay weheliyaan xubnaha guddida horumarinta gobolada Awdal iyo Salal ee ASARDA ayaa soo kormeeray mashaariicdaas horumarineed ee laga girgelinayo gobolka Awdal, kuwaas oo uu aad ugu amaanay hay’adda ASARDA iyo guud ahaan bulshada reer Boorama ee garatay in ay horumariyaan deegaanadooda.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Mudane Cabdoo Axmed Aayer ugu horrayn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bxiyay ahmiyadda iyo faa’iidooyinka ay waddooyinku u leeyihiin ummadda iyo dalka, isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Halkan aynu taagannahay waa waddadii Sheekh Cali Jawhar ee magaalada Boorame waxaana dhisaysa Hay’adda ASARDA oo ah hay’addii dhistay waddada isku xidha Dila iyo Boorame, oo runtii gull wayn wayn ka gaadhay oo aan u rajaynayo in ay noqoto shirkad qaran. Shirkad ahaana waxaan idiin rajaynayaa shirkad ahaan in aydaan noqon Awdal oo qudha ee aad ka qayb qaadataan gobolada dalka oo dhan, runtiina aad iyo aad aan ugu hambalyayayaa shirkadda ASARDA.”

Guddoomiyaha Hay’adda ASARDA Mudane Cabdillaahi Xaaji Ciise ayaa warbixin kooban oo ku saabsan waddadaasi halkaasi ka jeediyay, horumarka ballaadhan ee ay ka hirgeliyeen gobolka Awdal iyo waliba waxyaabaha iyo mashaariicda horumarineed ee u qurshaysan in ay mustablka ka fuliyaan gobolka Awdal.

Maareeyaha Hay’adda ASARDA Mooge Jaamac ayaa isaguna halkaasi ka soo jeediyay hadallo guubaabo ah, waxaana ka mid ahaa erayadiisii, “Waxaan ku waanin lahaa bulshada reer Somaliland, gaar ahaan dadka qurba jooga ah, ninkii qalab haystaa in uu qalabkiisa kaga soo qayb galo horumarka dalka ka socda, ninkii lacag haystaana uu lacagtiisa kagaga soo qayb galo horumarka wadanka ka socda, oo uu horumarka dalka soo gaadhsiiyo ninkii cilmi lehina uu cilmigiisa ugu tabaruco dalka.”

By. Axmed M. Saleebaan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply