Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Beeshiisa U Ballan-qaaday Inuu Siin Doono Xilalka Ugu Muhiimsan Qaranka

0
403

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa  sheegay haddii uu dalka Madaxweyne ka noqdo  in uu xilalka Qaranka ugu muhiimsan  iyo saamiga ugu badan  kuraasida dawladaba  abaal-gud u siin doono Jilib ka tirsan ardaayadda     beesha   galbeedka Burco ee uu ka soo jeedo, oo  uu sheegay inay  abaal faro badan iyo halgan siyaasadeed oo weyn u galeen.
Guddoomiyahu  waxa uu sidaa ku sheegay   hadal uu habeenimadii Jimcihii  ee todobaadkii hore  u jeedinayey koox dhalinyarro ah oo isugu jirtey arday  wax ka barata Jaamacadaha dalka iyo qaar hore Jaamacadaha uga qalin jebiyey oo dhammaantoodba  ka soo jeeday  beeshiisa, gaar ahaan ardaaga Muuse Ismaaciil. Kuwaas oo uu kulan kula yeeshay Huteelka Kaah ee ku yaala bariga Magaalada Hargeysa.
Sida ay baahiyeen  qaar ka mid ah shebekadaha Internet-ka ee taageera  Xisbigiisa Waddani,  waxa  kale oo kulankaas  ka qayb galay, isla mar ahaantaana  hadalo kala duwan  ka soo  jeediyey xubno kale oo  isugu jiray Siyaasiyiin, Cuqaal, Haween, Odayaal ,  Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka, hase ahaatee kuligoodba ahaa dad ay  Gudoomiyaha isku beel yihiin.
 
Ugu horrayna waxaa kulankaas hadalo ka soo jeediyey xubno ku hadlayey magaca dhalinyarada ardaaga Muuse Ismaaciil  oo ay ka mid ahaayeen  Maxamed Gunnad, Ibraahin Jabane, Ducaale Yare, Cawaale Xuseen Axmed, Maxamuud Axmed Cali iyo Ibraahin IsmaaciilCali, kuwaas oo dhammaantoodba  ka sheekeeyey halgan  adag oo ay sheegeen in ay Jilib ahaan u soo galeen sidii uu xisbiga Waddani uga soo gudbi lahaa marxaldii Ururnimada, ugana mid noqon lahaa sadexdii Xisbi Qaran ee ka soo dhex baxay  Ururadii faraha badnaa ee xiligaas tartamayey. Arrintaasna waxa ay sheegeen in ay dhinacooda  guul ka soo hooyeen, abaalkeediina ay reer ahaan  ka sugayaan Guddoomiye Cirro iyo xisbigiisa Waddani.
Dadkii kale ee iyaguna kulankaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Xuseen Maxamed Cigge,  Ex Colonel Siciid Ducaale (Feedho),  Ex Colonel  Faarax Mirre, iyo  Caaqil Cabdi Af-yare, waxaanay dhammaantoodba ka warameen sida ay beeshooda  Muuse Ismaaciil diyaar ugu tahay in  taageero hiil iyo hooba ah ka geysato sidii uu doorashada ugu guulaysan lahaa Xisbigooda Waddani, isla markaana uu Madaxweynaha dalka u noqon lahaa Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo ay sheegeen in aan sinaba loo ogolaan karin in hal cod oo ka mid ah, codadka doorashada ee  ka soo bixi doona deegaamada beeshaasi  ay   degto  iyo  weliba deegaamada kale ee ay degto  beesha galbeedka Burcoba uu dhaafo Xisbiga Waddani.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in saamiga beeli hesho ka ugu weyn ay Beesha Muuse Ismaaciil ka heli doonto haddii xisbigiisu ku guulaysto doorashadda madaxtinimadda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Beesha Muuse Ismaaciil waxay ii gashay halgan siyaasadeed halkan waxaan ka ballan qaadayaa inaan diyaar idiinla ahay mansab iyo meeqaam beeli hesho halka ugu mudan waxan idiinka mahad naqayaa taageerada hagar la’aaneed aad shalay iyo maantaba xisbiga Waddani la garab joogtaan.”
Waxa xafladaasi soo gabo-gabeeyay Boqor Feysal Cismaan Baraag, “Guddoomiye siday sheegeen aqoonyahanka Muuse Ismaaciil, annagu beel ahaan Waddani waannu ku dhannahay Gudoomiye annagu kama mid nihin beelaha Siilaanyo Wasiirrada ugu soo dhiibo hantida shacabka ugu laaluushaan sababta oo ah annagu kuma lihin xukuumadda KULMIYE  Wasiir naloo soo diro mana filayo  inay noo soo diri doonaan Wasiir aan beesha ahayn.  beeshu waxay dhaafsatay Wasiirkeedii taageerada xisbiga Waddani.”
Hadalka Guddoomiye Cirro ayaa noqonaya mid fadeexad ku ah xisbigiisa oo sida hadalkiisa ka muuqata balan-qaad cad u sameeyay mid ka mid ah ardaayada beeshiisa oo uu xusay inay heli doonaan saami beeli hesho ka ugu shilis, arrintaasi, waxay calaamad u tahay ajandeyaasha gurracan ee siyaasadda xisbiga WADDANI oo illaa imika aanay xubnaha hormuudka u ah aanay ka dhex muuqan dad magac ku leh bulshadda Somaliland oo ka soo jeeda beelaha kale ee aan ahayn beesha galbeedka Burco.
Dhawaaqa Guddoomiye Cirro waxa uu noqonayaa  mid ka sii fogaynaya bulsho weynta Jamhuuriyadda Somaliland ee uu codka ka doonayo, waxaana mustaqbalka dhow la eegi doonaa waxa shacbigu kaga dareen celiyo qaraabo-kiilka uu Hoggaamiyaha WADDANI iyo balan-qaadyadda uu la galay beeshiisa, iyadoo uu u muuqdo nin ka maarmay beelihii kale ee Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply