Guddoomiyaha Maxkamada Saaxil Oo Ka Hadlay Khilaaf Ka Taagan Maxjar Cusub Oo Laga Binaynayo Berbera

0
445

Berbera (Dawan)- Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Saaxil Ibraahim Aadan Yaasiin ayaa ka waramay shaqaaqo ka dhalatay maxjar cusub oo laga binaynayo magaalada Berbera iyo khasaaraha ka dhashay iska horimaad hubaysan  oo halkaasi ka dhacay Isniintii Toddobaadkan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Saaxil oo  xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isaga oo jooga magaalada Berbera, waxa uu ka waramay heerarka dacwadeed ee  uu soo maray khilaafka dhulka maxjarkaas laga dhisayo ee la isku haysto, isaga oo arrintaasi faahfaahin ka bixinayayna waxa uu yidhi “Waxaa jirtay qolo ayaa maxkamada u timi oo tidhi ha naloo xayiro dhulka laga dhisayo maxjarka, dabadeedna dhulkii ayay maxkamadu xayirtay, kadib garsoorihii wuxuu ogaaday in dhulkaa hore cid loogu xayiray hase ahaatee ay ka noqdeen dacwaddii ay markii hore ula yimaadeen, garsoorihiina xayiraadii ayuu ka qaaday dhulkii uu xariray, dabadeed waxaa ku qanci waayay taas ciddii wax loo xayiray, kadib waxaa la yidhi halkaas ayay nimankaasi soo weerareen, laakiin sida ay u  wax u gaysteen oo xaqiiqo ah anigu ma ogi, laakiin khasaare ayaa la sheegayaa.”
Ibraahin Aadan Yaasiin oo ka hadlayay sida uu u dhacay iska horimaadkaasi hubaysan iyo khasaaraha ka dhashay waxa uu yidhi “Waxaa la leeyahay saddex baabuur oo rag hubaysani saaran yihiin ayaa meesha soo galay, waxaanay kala eryeen raggii ka shaqaynaayay ee joogay halkaasi,  kadibna warkii ayaa gaadhay dhinicii kale ee sheeganayay maxjarka, iyagiina gurmad ayay soo fidiyeen, xaalada ayaa murugtay dabadeedna waxaa soo faro-geliyay ciidanka Booliska, baabuurtii iyo rag kale oo hubaysnaa way baxsadeen, raggiina qaar waa xidhan yihiin laba ilaa saddex kuwii kalena waa la raadinayaa.”
Guddoomiyaha maxkamada Saaxil oo la su’aalay cidda ay u dhaxayso khilaafkan ka dhashay maxjarkan cusub waxa uu yidhi “Warku waxa uu sheegayaa in maxjarka Ilmo-indho Deero soo weeraray meesha, cidda la soo weerarayna ay tahay cid maxjar cusub ka samaynaysa meesha, oo ah dad badan oo reer Somaliland oo dhan ka kooban.”
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd halka ay haatan marayso xaaladda iyo khilaafkaasi ka dhsahay dhismaha maxjarka cusub waxa uu yidhi “ Meesha waxa yimi  wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiir ku xigeenkii amniga, iyo janankii ciidanka Booliska, markaas iyaga ayaa maxkamada wax waydiiyay, booliska waydiiyay, badhasaabka wax waydiiyay iyo xeer ilaalinta, maanta (shalay) shirkaas weyn ayuu qabtay, berrina (maanta)  ayaa haddana loo balamay arrintaas, markaa hawshaas dawladu way gashay, wixii wax gaystayn waa la baadi doonayaa, ciddii wax ka maqan yihiinna sidaas ayaa lagu wargeliyay.’’
By. Axmed Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply