Shir Lagu Falan-qeynayay Isku duwida Mucaawimooyinka Somaliland Oo Lagu Gabo-gabeeyay Hargeysa

0
422

Hargeysa (DAWAN)- Shir ballaadhan oo lagu falanqaynayo isu-duwidda mucaawanooyinka beesha caalamku siiso iyo siyaabaha loo isticmaalo, ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday  huteelka Ambassador ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa shalay la soo gunaanaday.
Shirkan oo ah mid sannadkiiba laba jeer qabsooma oo ay qabanqaabisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo loogu magac-daray shirka 7aad ee isu-duwidda mucaawanooyinka Somaliland, una dhexeeya masuuliyiinta hay’adaha dawladda iyo wakiillo ka kala socda deeq-bixiyayaasha taageera Somaliland, waxa muddo laba maalmood ah oo uu socon doono lagu falanqayn doonaa waxqabadka laga gaadhay muwaanayooinka kala duwan ee Somaliland hesho, mudnaanta baahiyaha lagu bixiyo, iyadoo dawladdu u soo bandhigayso deeqbixiyayaasha warbixin la xidhiidha waxqabadka ka soo baxay mucaawanada ay siiyaan iyo weliba muhiimada ay leedahay in la kordhiyo deeqaha Somaliland la siiyo.
 
Shirkan oo uu furay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kana qaybgalayaan inta badan wasiirrada iyo madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee uu khuseeyo, ururrada bulshada rayidka ah, madax ka socotay deeqbixiyayaasha, safiirro, masuuliyiin matalayey Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka IGAD, Baanka Adduunka, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo ururrada caalamiga, waxa sannadkan si gaar ah diirrada loogu saarayaa habka caawimada gaarka ah ee Somaliland (Somaliland Special Arrangement) oo ka mid ah barnaamijka loo yaqaano New Deal (heshiiska cahdiga cusub) ee Midowga Yurub.
 
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay shirkaasi waxa uu yidhi “Waxa aan martiqaad ka helay madaxweynaha Soomaaliya si aan uga qaybgalo kulan heerkiisu sareeyo oo Soomaaliya loo qabano bishan aynu ku jiro, waxaanan jaarkayaga u rajaynayaa wanaag, laakiin shirkan la igu martiqaaday waa mid u gaar ah Soomaaliya, mana khuseeyo Somaliland, waxaanna la oghayahay in Somaliland tahay dal gaar ah, shirka lagu qabanayo magaalada Copenhagen ee dalka Dermark waa khuseeya ajandayaasha arrimaha fedaraalka Soomaaliya, kuwaasina maaha qaar khuseeya Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.
Waxa kaloo uu beesha caalamka ka codsaday inay ka shaqeeyaan, isla markaana taageeraan wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu yidhi; “Wadahalka waxa Somaliland iyo Soomaaliya waxa si deeqsinimo ah u wada dalka Turkiga, waxaannu jecelnahay in midho-dhal fiican ka soo baxaan shirka wadahadalka, waxaanan beesha caalamka ka doonaynaa inay taageeraan sidii loo dammaanad qaadi lahaa in dhinacada (Somaliland iyo Soomaaliya) loogula xisaabtami lahaa fulinta qodobada iyo heshiiska ka soo baxay wadahadalka. Somaliland waxa ka go’an ilaalinta iyo ka qaybgaadashada nabadgelyada, ammaanka gobolka Geeska Afrika, iyo inay qiimo weyn u hayso soo wadida wadahadalka Soomaaliya si ay u muujiso inay dal muxtaran ah ku dhex noqoto bulshada caalamka.”
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale iftiimiyey inay ka go’an tahay sidoo dib-u-habayn loogu samayn lahaa nabadgelyada, ammaanka iyo qiyamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku caano-maashay, laguna majeerto.
“Si loo dammaanad qaado ilaalinta xuquuqal-insaanka, gaar ahaan xuquuqda dumarka iyo carruurta si loo ilaaliyo, waxa aannu qaban doonaa doorashooyin sannadka soo socda (2015), waa qaar dhibka iyo caqabadahooga leh, laakiin anniga iyo xukuumadayda waxa naga go’an in aannu dammaanad qaadno sidii loo qaban lahaa doorashooyin u dhaca six or iyo xallaal ah, guulna u noqda Somaliland. Waxa aan beesha caalamka weydiisanayaa in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac si loo xaqiijiyo hamiga iyo yoolka Somaliland ee ah in la dhiso dal nabadgelyo ah, ammaan haysta, dimuqraadi ah oo barwaaqo ku nool,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.
 
Waxa madaxweynuhu u mahadceliyey guud ahaan dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya arrimaha horumarka iyo dimuqraadiyeynta, isagoo si gaar ahaan u soo qaatay taageerada dhaqaale ee sida gaarka ah loogu qoondeeyey Somaliland shirkii ka qabsoomay dalka Belgium sannadkii 2013 (Somaliland Special Arrangement), kuwaasoo loogu tallogalay in si gaar ah loogu taageero Somaliland, iyadoo aan la isku darin dhaqaalaha Soomaaliya iyo Somaliland.
adaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland iyo beesha caalamka iska kaashadaan dhinacyo badan oo faa’iido leh, isagoo xusay in sanduuqa horumarinta Somaliland SDF (Somaliland Development fund) uu yahay mid qayb ka qaata horumarka kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland, isla markaana sanduuqaasi yahay mid adduunku si weyn ula socdaan.
“Saaxiibadayada dalalka Ingiriiska iyo Denmark, ayaa abuuray sanduuqa horumarinta Somalinad (SDF), waxa markii dambe ku soo biiray dalalka Norway iyo Holland, waxa kaloo hadda diyaar u ah inay sanduuqaas ku biiraan Midawga Yurub oo taageeradooda si toos ah ugu shubaan sanduuqaas, lacagaha ilaa hadda lagu riday sanduuqaas waxa lagu qabtay waxyaabo baddan oo horumar ah,” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
 
 
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo hadal ka jeediyey furitaankii shirka, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada shirka iyo qodobada lagu lafogurayo oo uu sheegay inuu yahay sidii warbixin ku saabsan waxqabdka ka fulay mucaawanooyinka Somaliland la siin lahaa deeqbixiyayaasha, isagoo ku soo dhaweeyey dalka madaxda dalalka, hay’adaha iyo daneeyayaasha taageerada siiya Somaliland.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa khudbad dheer oo uu madasha ka jeediyey kaga hadlay muhiimada shirkani leeyahay, xidhiidhka wadashaqayneed ee u dhexeeya Somaliland iyo daneeyayaasha beesha caalamka iyo qorshaha horumarineed ee Somaliland u yaal oo uu sheegay in dawladdiisu dejisay aragti muddo-dheer oo ah ilaa sannadka 2030, kuna salaysan in Somaliland ahaato dal ammaan ah, dimuqraadiya iyo bulsho barwaaqo gaadha.
 
Wasiir Biixi waxa uu ugu baaqay bulshada caalamka inay ku dhiirridaan ka run sheegidda qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, waxaannu yidhi, “Bulshada caalamku waa inay tallaabo geesinimo leh ku qaadato inay dawladdayda ku casuunto miiska wada-xaajoodka si la siman dawladda Federaalka ee Muqdisho. Waxaan ku dhiirigelinayaa bulshada caalamka wadashaqayntu naga dhexayso ee halkan joogan inay abaalmarinayaan oo taageeraan dadka ay ka go’antahay mabaadi’da la wadaago ee nabadda, iskaashiga iyo nidaam siyaasadeed sharci ah. Waa nasiib-darro in aanay dawladaydu awoodin inay ka qaybgasho shirka ka dhacaya magaalada Copenhagen (Sweden) dabayaaqada bishan. Waa nasiib-darro in khibaradda Somaliland u leedahay dhismaha qaran iyo abuuridda nabadda iyo bulsho degan kadib dagaallada in aanaan la wadaagin walaalaha Koonfurta Soomaaliya, sababta oo ah fahamka majar-habaabsan ee bulshada caalamka oo aaminsan in haddii dawladdayda ay u casuumaan si la siman dawladda Federaalka ee Muqdisho in taasi mijo-xaabinayso fikirka beenta ah ee midnimada Soomaaliya. Waa waqtigii beesha caalamka ee wadashaqaynta leenahay aqbali lahaayeen xaqiiqda dhabta ah ee dhulka dushiisa taal, taas oo ah in Somaliland ahayd, siina wadi doonto inay ahaato qaran ka madaxbannaan Federaalka Soomaaliya.”
Safiirka dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Aagaard Anderson oo ka mid ahaa safiirrada shirka ka qaybgalay, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin taageerada, isagoo si gaar ah meelaha wax looga qabanaayo ay ka mid tahay dib u hagaajinta dhuumaha biyaha Hargeysa iyo nidaamka maamulida maaliyada dawladda.
“Waxaannu jecelnahay in aannu taageerno Somaliland, waxaanan rajaynayaa in laf ahaantiinuna aad ka hortagi doontaan cudurrada waddamo badan saameeyey, waxaanan idiinku hambalyeynaya guushii aad ka soo gadheen shirkii maalgashiga ee Somaliland London loogu qabtay,” ayuu yidhi Anderson.
Waxa kale oo uu ka hadlay qabsoomidda doorashooyinka soo socda, waxaannu yidhi, “Sida aad xustay Madaxweyne waxa sannadka dambe Somaliland 2015 laga qabanaya doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, deeq-bixiyayaal ahaana waxaannu diyaarinaynay muddooyinkan taageerida diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, wax walbana waa diyaar oo hawsha uun baa la sugaya, gaar ahaan ansixinta xeerka diiwaangelinta iyo guddiida cusub ee doorashooyinka.
Waxa aannu soo dhawayn gabadha kaliya ee ku jira, doorashooyinka la wada qabanaayo ee barlamaanka iyo madaxweynaha, ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka iyo warbaahinta xorta ah, kuwana waa waxyaabaha astaanta u ah nidaamka doorashooyinka xor iyo xalaasha ah.”
Waxa kale oo shirka ka hadlay Xoghayaha Urur-goboleedka IGAD Maxbuub iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda, iyadoo madaxda kala duwan iyo ka qaybgalayaashuba falanqayn iyo doodo ka yeeshay mucaawanooyinka Somaliland iyo waxqabadkooda la geliyo.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply