Maxkamadda Maroodijeex Oo Xukuno Ku Riday Dad Khamri Soo Geliyay Dalka

0
421

Hargaysa (Dawan): Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ayaa  shalay xukuno kala duwan ku riday dad ku eedaysan inay maandooriyaha khamriga si sharci darro ah u soo geliyeen dalka gaar ahaan caasimadda.
Khamrigaasi oo dhawaan ay soo qabteen ciidamadda boolisku ayaa dhamaa 214 caagadood oo  ah kuwa litirka iyo badhka qaada iyo 8 jawaan oo iyagna caagado khamri ahi ay ku jireen, iyadoo maxkamadda gudaheeda lagu gubay dhamaanba khamrigaasi.
Fal-danbiyeedkani oo ay eedaysaneyaal ka ahaayeen saddex qof ayuu danbigaasi kaga hor cadaaday maxkamadda gobolka Maroodi Jeex horteedda sida ay sheegeen labaddii gar-soore ee kiiskaasi ku soo oogayay eedaysaneyaasha. Waxaana Kiiska fal danbiyeedkaasi ayaa waxa gar-sooreyaal ka ahaa C/laahi Axmed Cago-weyne iyo Naasir Cabdi Xuseen, oo labaduba ka tirsan garsooreyaasha maxkamadda gobolka Maroodi Jeex.
 
Saddexda eedaysane ayaa lagu xukumay 3 milyan oo lacag ganaax ah iyo 3 sanadood oo xadhig  ah, eedaysaneyaasha fal-danbiyeedkaasi  ku cadaaday ayaan wax racfaan ah qaadan.
Sidoo kale baabuurkii siday khamrigaasi ayaa lagu xukumay 5 milyan oo lacagta Somaliland ah, oo lagu ganaaxay, halka darwalkii waday gaadhiga khamriga lagu qabtay  iyo nin la socdayna la siidaayay.
Halkii khamrigaasi lagu gubay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi Jeex Faysal Dago-dago, xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada gobolka Maroodi Jeex Axmed Cismaan Mirre iyo xubno kale oo ka tirsan garsooreyaasha maxkamadda gobolka Maroodi Jeex.
Axmed Cismaan Mirre oo ka dib markii khamrigaasi la gubay warbaahinta la hadlay ayaa ka waramay khamrigaasi iyo goortii la soo qabtay, waxaanu ciidamada booliska uga mahadnaqay waajibaadka ay guteen iyo sida ay khamriga ula dagaalamaan.
waxaanu yidhi “Khamrigaa aad arkaysaan ee la gubay waaa soo qabtay dhawaan ciidanka booliska iyadoo ay ka gacan siiyeen bulshadu, waanu uga mahadnaqaynaa ciidanka booliska waajibkaasi ay guteen, waxa kale oo aanu u mahadnaqaynaa maxkamadda gobolka Maroodi Jeex garsooreyaasheeda oo riday xukun aanu ku qanacsanahay, dadkaasi danbiileyaasha ah ee soo gelinaya dalka maandooriyahaasi aafada ah”.
Waxa kale oo uu sheegay Axmed Cismaan Mirre in maandooriyaha khamrigu uu ku soo badanayo dalka isla markaana uu dhibaato weyn ku hayo bulshadda gaar ahaana dhalinyaradda, waxaanu shacabka ka codsaday in ay gacan ka siiyaan ciidamadda booliska iyo hay’adaha ku dhaqadda leh.
“Waaad ogtihiin aafadda iyo dhibaatadda uu khamrigu ku hayo dhalinyaradeena iyo dalkaba, waxaanu ka codsanaynaa shacbiga in ay hay’adaha ku shaqada leh gacan ka siiyaan in la isla kaashado aafadaasi xaaraanta ah ee diinteenu waxa ay ka qabtana aynu ognahay in ciidanka booliska iyo cid kasta oo ka shaqaynaysaba gacan laga siiyo, waxaanu umadda ku baraarujinaynaa in aafadaasi laga baadbaadiyo  da’yarta oo arrintaasi wax laga qabto” ayuu yidhi xeer ilaaliyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex.
By: Axmed Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply