Wakaaladda wararka dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegaysa in shan qof ay dhinteen sagaal kalena ay dhaawacmeen kaddib markii rag hubeysan oo wajiyada soo duubtay ay rasaas ku fureen dad Shiica ah oo ka qayb galayay xuska maalinta Cashuraa.
Weerarka ayaa gelinka dambe ee isniintii waxa uu ka dhacay magaalada Al-Dalwah ee bariga degmada Al-Axsa oo ah xarunta ugu weyn ee dadka shiicada ah ee laga tirada badan yahay ee dalkaasi Sacuudiga.
Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Sacuudiga ayaa sheegaya in lix qof oo looga shakisan yahay in ay weerarkaasi ku lug la haayeen la qabtay oo ay xidhan yihiin.
Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in saddex nin oo bastoolada iyo qoryaha darandooriga u dhaca ku hubeysan ay rasaas ku fureen koox dad ah oo ka sii baxayay dhismo halkaasi ku yaalay.
Waxa uu intaasi ku daray in uu haatan baadhitaan socdo si loo ogaado ciddii weerarkaasi ka dambeysay.