WEEDHA WARGEYSKA: Ha Isu Dhiibin Hoggaamiye Sumado Reernimo Wajiga Ku Leh

0
454

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, wax uu qariyaba, wax uu xeeladdo dhabcaalnimo ah ku dedo siyaasadiisa dalabta leh-ba, waxa mar qudha daaha iska rogay siyaasadiisa iyo himiladiisa ku binaysan qoysnimadda.
Waxa indhaha iyo dhegaha  falan-qeeyeyaasha siyaasadda dalka soo jiitay  kulan habeenimadii jimcihii Toddobaadkii la soo dhaafay ay Huteelka Kaah ee caasimadda Hargeysa ku yeesheen  Dhalinyarro iyo wax-garad ka soo jeeda beesha Muuse Ismaaciil iyo Guddoomiye Cirro oo ay isku hayb yihiin jilibkaas la shiray.
Arrintan waxa ka dhashay su’aallo badan  oo rayul caamka bulshaddu ay  durba calaamatul su’aal saareen, waxaanay wax iska weydiinayaan siday masiirkooda ugu aamini karaan xisbiga WADDANI oo yeeshay summad reernimo isagoo aan shan sanno jirsan-ba.
Kulankaasi waxay labada geesood isku waafaqeen inay halgan adag u galayaan  sidii uu kursiga ugu fadhiisan lahaa Guddoomiye Cirro, waxaanay xubnihii ka hadlay shirkaasi ay hoosta ka xariiqeen inay ka shaqaynayaan in aanay dhici Karin  in hal cod  aanay asxaabta kale  ka heli Karin  dhammaan deegaammadda kala duwan ee beesha Guddoomiye Cirro ka soo jeedaa ay degaan, arrintaasi waxay Hoggaamiyaha WADDANI ku abuurtay farxad weyn, waxaanu dhinaciisa ardaagaasi ugu balan-qaaday inuu ku abaal-marin doono haddii la doorto inuu siiyo sadka iyo saamiga ugu weyn  ee beeli ka hesho dawladda ka ugu weyn.
Bal dhugo sida uu Guddoomiyaha WADDANI u dhigay axdiga uu la galay beesha Muuse Ismaaciil. “Beesha Muuse Ismaaciil waxay ii gashay halgan siyaasadeed halkan waxaan ka ballan qaadayaa inaan diyaar idiinla ahay mansab iyo meeqaam beeli hesho halka ugu mudan waxaan idiinka mahad naqayaa taageerada hagar la’aaneed aad shalay iyo maantaba xisbiga Waddani la garab joogtaan,”ayuu ku qawlay Hoggaamiyaha WADDANI siday daabaceen qaar ka mid ah mareegaha waaweyn ee Somaliland gaar ahaan shabakadda Oodweyne.
Dadka taxliila siyaasadda ayaa sheegay in dhacdadani ay tahay fool xumadii ugu cuslayd muddooyinkan dambe lagu arkay miidaanka siyaasadda, taasi oo saamayn taban ku yeelanaysa horumarkii xisbigaasi ku tallaabsan lahaa. Dadka fikradaasi aaminsani waxay qabeen in xalka kaliya ee lagu furdaamin karaa ay tahay in Guddoomiye Cirro raali-gelin buuxda ka bixiyo arrintan iyo ugu yaraan inuu tafsiir buuxa ka bixiyo waxa uu uga jeeday kalmadihii uu u adeegsaday khudbadii uu ka jeediyay kulankaasi.
 
Waxa jiray dad aaminsan in qawlka  Guddoomiye Cirro ka jeediyay shirkaasi ay tahay mid xaqiiq ah, iyagoo ku doodaya in illaa imika dadka ugu fadallada cad-cad xisbiga ay u badan yihiin ardaaga Guddoomiyaha. Marka arrintaas laga qiyaas qaato ay caqli gal tahay haddii uu tallada dalka ku guulaystana inuu sad-buursiimo rikoodh jabis ah ku abaal-marin doono qaraabadiisa iyo beeshiisa.
Waxa kale oo aan meesha laga saari Karin oo jiray ra’yi ay qabeen dadka qaarkood oo sheegayay in arrintani tahay mid iska caadi ah oo aan u baahnayn in la buun-buuniyo, waxaanay doodooda ku sababaynayeen in  Hoggaamiye kasta oo xisbi uu cida ugu horaysa ee uu taageeradooda isku dayo inay hanta tahay ardaagiisa. Hadalkana yahay mid aan sidaasi u sii cuslayn maadaama oo aanay jirin wax heshiis ah oo uu tiraabtiisa qoraal ugu qoray. Yeelkeede’ waxa dadweynuhu  isku raacsanaayeen in dhaqankani uu ahaa mid laga wanaagsan yahay oo dadweynaha ka sii fogaynaysa xisbiga WADDANI.
Fadeexadaasi waxay Guddoomiye Cirro ugu biirtay xili uu la kaacaa kufayay  eedo la xidhiidhay inuu ku gabood falay oo uu dhalan-gediyay  xeerka diiwaangelinta Muwaadiniinta iyo Codbixiyeyaasha, gaar ahaan qodobadiisa 7-aad, 25-aad, 26-aad iyo 29-aad, iyadoo uu qoddobadaasi markii uu u gudbinayay aqalka Guurtida uu wax ka bedelay sidii ay Xildhibaanadda Wakiiladdu u meel mariyeen. Taasina waxay noqotay khiyaamadii ugu cuslayd lagu fadhataysto shuruucda dalka ee ka dhex dhacda labada aqal ee Wakiiladda Iyo Guurtidda.
 
Si kastaba arrintu ha noqotee dadweynaha Reer Somaliland ha iska hubiyaan Hoggaamiyaha balan-qaadyadiisii u horeeyay  la galay beeshiisa isla markaana  hanaan budhcadnimo ah ugu xadgudbaya shuruucdii iyo xeerarkii dalka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply