Kelmadda Madaxweynaha Ee Xuska Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Somaliland

0
341

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha  Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in aanay xukuumadiisu cabudhin ku haynin saxaafadda madaxa banaan, isla markaana ay xukuumadiisu aqoonsan tahay ahmiyadda weyn  ee ay saxaafaddu u leedahay qaranka, diyaarna ay u yihiin inay wax la qabtaan.

Waxaanu tilmaamay inay mar walba soo dhawaynayaan wixii taageero ah ee ay uga baahdaana ay la qabanayaan, isagoo xusay in aanay xukuumad ahaan diidanayn inay saxaafadu sheegto wixii dhaliilo ah ee jira, sidoo kalena loo baahan yahay in ay  sheegaan   wixii wanaagsan  ee u qabsoomay xukuumadda.

 Madaxweyne Axmed Siilaanyo  waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ugu tallo galay xuska maalinta xoriyadda saxaafadda Somaliland  oo ku beegan 9 November, isagoo shalay  u waramayay BBC-da, waxaanu madaxweynuhu hambalyo u diray dhamaanba saxaafadda Somaliland xuska  maalinta xoriyadda  awgeed.

Md. Siilaanyo,  oo ka hadlayay  cabashooyinka iyo tacadiyadda ay sheegtaan warbaahinta madaxa banana.  waxa uu yidhi “Marka hore waxaan hambalyo u dirayaa dhamaanba saxaafada Somaliland aad iyo aad na waan ugu hambalyaynayaa, saxaafadu ahmiyad weyn ayay u leedahay qaranka iyo hawlihiisa oo waa wax la wada og yahay, mar walbana waanu soo dhawaynaynaa, waananu dhisaynaa, waxna waanu taraynaa, wixii aanu la qaban karnona waanu la qabanaynaa. Saxaafadu laba af ayay leedahay oo saxaafadu waa wax umadana wax u sheegta, runa way sheegtaa, beena way sheegtaa mid walba way sheegtaa, markaa anagu waxaanu leenahay saxaafadda aan wada shaqayno, shaqo fiican aan wada qabano, ma diidanin wixii wanaagsan iyo wixi xunba in aad sheegtaan laakiin wixii inoo hagaagana sheega, oo daacad ka noqda, anaguna diyaar baanu u nahay in aanu idin la shaqayno. Markaa aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa saxaafada, una hambalyaynayaa xuska maalinta xoriyadda saxaafadda.

Waxa  kale oo uu sheegay  Madaxweyne Siilaanyo  in aanay jirin amaro uu isagu bixiyay oo lagu xidhxidhay weriyeyaal ama xarumo  warbaahineed, hase yeeshee cidii sharicga jabisa inuu sharcigu qabanayo oo aanay cidma sharciga dhaafi karin.

“Runtii anigu ashkhaas aan amro oo aan idhaahdo hala xidho ma jirto, hase yeeshee cidii sharciga jabisa sharigu wuu qabanayaa, oo cidna loo dhaafi mayo, laakiin anigu ma qabo in saxaafadda la iska xidh xidho oo saxaafad ahaan loo xidh xidho, in gardarro lagu xidhaana xaq darro wereye, raalina kama ah, mana ogoli, laakiin wixii danbi gala ee sharciga lagu helo, dee cidna loo dhaafi mayo oo uadda ayuun bay ka mid yihiin, taasi wax cadaan ah weeyi”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Siilaanyo oo la waydiiyay su’aal ahayd in warbaahinta madaxa banana  ay ku andacoodaan inay xukuumadu   kala dhawaysato ama ay qaar gacan saar la leedahay, waxa uu yidhi  “Maya saxafadda uma kala eexano, kuwani waa masuuliyiin oo shaqo dawladeed ayay hayaan, oo xil dawladeed ayay hayaan, laakin saxaafad ahaan anagu uma kala eexano saxaafadda, saxaafadu waa saxaafadayadii, waa saxaafadii qaranka, sharci baana wada qabta, si baana loola wada xaalayaa”.

Mar uu ka hadlayay baaqyada muddooyinkan dambe ka soo yeedhayay qaar ka mid ah beelaha iyo madax dhaqameedyadda  oo  xukuumada dhaliila, waxa uu yidhi “Taasi dhaqankeenii ayuu ku jiraa, oo dhaqnakeenu waa iska siyaasad, waa tii oo dimuqraadiyad loogu daray, dadka kolay mucaaradadii way jirayaan oo dad wax sheegayaa way jirayaan, oo ma diidayno, dhaleecaynta ma diidayno, in wax lanaga sheego ma diidayno, laakiin ayaynaan wax duminin, ee wixii jira ha la sheego, wixii khaldana waanu saxaynaa, wixii aan jirina ayaan la sheegin, oo beenta ha la iska daayo, markaa wixii qaran-nimadda wax yeelaya ha la iska ilaaliyo ayaan leeyahay”ayuu yidhi Siilaanyo.

Axmed Siilaanyo, mar wax laga waydiiyay in Telefishanka madaxa-banaan ee Horn Cable TV oo markii hore lagu tiring   jiray inay xukuumadiisa aad isugu dhawaayeen, hase yeeshee maalmahan dambe la sheegayay in xataa amulkiilihii TV-gaasi gurigiisa ay ciidamo ugu dhaceen, isla markaana weriyeyaal laga xidhidhay, waxa uu ku jawaabay “Taasi anagu wax sharci darro ah marnaba ku dhaqmi mayno, arrintaasi intaa yaan kaga baxaya”, ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Geesta kalena xaflad lagu xusayay maalinta saxaafadda Somaliland oo uu soo qaban qaabiyay ururka SOLJA oo shalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Hargeysa, ayaa isu bedashay miidaan mucaarid, ka dib markii Ururkaasi uu sifo lid ku ah anshaxa saxaafadda u agaasimay xuskaasi oo aanay ku soo casuumin cid ka socotay xukuumadda, waxaanay soo casuumeen xisbiyadda mucaaridka ah oo uga faa’iidaystay inay ka Dhigtaan xuskaasi makarafoon ay xukuumadda ka cambaareeyaan.

Ururka SOLJA waxa uu ku guul-daraystay inuu sida nidaamku yahay u maro wixii ay ka cabanayaan, iyadoo illaa imika aanu jirin wax qoraal ah oo rasmi ah oo ay ururkaasi u gudbiyay xukuumadda oo la xidhiidha tabashooyinkooda.

Ururka SOLJA ayaa u  muuqda mid u sii xuub siibanaya axsaabta mucaaridka ah, taasi oo saamayn taban ku yeelanaysa mustaqabalka ururkaas. Waxa looga baahnaa in xuska maalinta saxaafadda ay u agaasimaan hanaan urur xirfadle ah oo aanay abaabulin xaflad cay iyo aflagaado looga mariyo xukuumadda, waxa kale oo ururka SOLJA Seegay inay wixii ay ka cabanayaan u soo dhigaan si xirfad leh oo qoddobaysan.

By: Khadar C.Muuse

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply