“Kursiga Cay Kaga Tagi Maayo ee Cod Baan ku imi, Maalinta Codka Layga helo ayuun baan Bannaynayaa , Kalsoonida Bulshadana Waan Haystaa”

0
390

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in aanu xilka kaga tagnaynin cay iyo aflagaado, waxaanu tilmaamay inuu ku yimid cod dadweyne kaliyana uu ku tagi karo maalinta xilka cod lagaga helo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay in doorashooyinka madaxtooyadda iyo baarlamaanku wakhtigoodii ku qabsoomaan, isla markaana ay xukuumaddiisu miisaaniyadda 2015-ka ay ku dartay kharashkii loogu tallo-galay doorashooyinka iyo labada diiwaan-gelinood ee madaniga iyo codbixiyeyaasha.
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu ugu baaqay Golaha Wakiiladda in ay khilaafkooda ku dhamaystaan isu tanaasul isla markaana ay saxdaan wixii ka khaldan, sidaasna waxa madaxweynaha Somaliland ku sheegay khudbad uu shalay  ka jeediyay xarunta wasaaradda warfaafinta, isagoo kormeer ku soo maray  xarunta wasaaradda warfaafinta, wargeyska DAWAN, madbacadda qaranka iyo xarunta wargeyska Jamhuuriya, maadaama oo ay  shalay ahayd maalinta xuska maalinta saxaafadda Somaliland, waxaana halkaasi warbixinno kala duwan ku siiyay masuuliyiinta xarumahaasi.
 
Khudbadaasi oo aad u dheerayd waxa madaxweynuhu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dhinacyadda, dimuqraadiyadda, siyaasadda dibada, dhaqaalaha iyo nabad-gelyadda, waxaanay u dhignayd sidan:-
 
 
“Salaan qiimo badan kadib, waxaan bulshada reer Somaliland ee gudo iyo dibadba joogta, la jecelahay horumar, waxaanan Ilaahay uga baryayaa in uu ka dul-qaado wixii dhib ah, iyo in uu gaadhsiiyo barwaaqo iyo bash-bash.
 
Waxaan maanta jeclaystay, in aan dareenkayga idinla wadaago, waxaana hadalkaygu daarran-yahay maanta, markaan arkay sida dunidu inoogu soo qul-qulayso iyo dedaalka Dawladdu waddo, iyo dadka buuqa iyo qaylada la taagan ama mucaaradada ka dhigtay cayda, habaarka iyo eedaymo aan macno lahayn oo saxaafada laysu mariyo.
 
Waxaa muuqata in dalku meel fiican marayo, horumar badani ka socdo, dhaqaalihii kor u socdo, waxaa laga eegaa, Korodhka ganacsiga, Dhismayaasha, Korodhka dhoofinta iyo soo dejinta shixnadaha ganacsi, korodhka shaqaalaha iyo dhaq-dhaqaaqa baayac mushtarka.
 
Iyadoo ay jiraan dawlado iyo maal-qabeenno badan oo shisheeye oo danaynaya inay maal-gashadaan dalkan, waa ogaydeen shirkii ganacsi ee qiimaha badnaa ee dhawaan Dawladda Ingiriisku inoogu qabatay dalkeeda, kaasoo loo agaasimay si aad u heer sarraysa, taasoo aniga iyo Wasiirradii ila socday aanu ku soo bandhignay Khayraadka dalkeenna yaalla, iyo fursadaha ganacsi ee dunidu inala wadaagi karto.
 
Waxaa xusid mudan, 9-kii subaxnimo ilaa 5-tii galabnimo intii shirku socday, shirku waa buuxay, hal kursi ma banaanayn dadku wuu taagnaa in badani, waxay muujinaysay xiisaha loo qabay shirka, iyo sida uu u soo jiitay Bulshada Caalamka.
 
Waxaa loo baahnaa in aqoon-yahanka iyo ganacsatadu la yimaadaan hal-abuur, fikrado cusub iyo dedaallo ay kaga faa’iidaysanayaan fursadaha ka dhasha shirarka noocan oo kale ah, oo gogosha u dhigtaan, gadhwadeenna u noqdaan Maal-gashadayaasha shisheeye “Balse waxaa la yaab ahayd, waxaan ku soo noqday dalka iyadoo lagu sheekaynayo Madaxweynihii Is-sharrixi maayo, wuu xanuunsanayaa iyo sheekooyin aad u daciif ah oo aan ka turjumayn wixii qarankani u baahnaa.
 
Waxaan leeyahay, waar xanuunsan maayo oo Ilaahay mahaddii, dheg laygama hayo.
 
Waar dhiman maayo maalinta ajashayda ka hor.
 
 Waar kursiga cay kaga tagi maayo ee cod baan ku imi, maalinta codka layga helo ayuun baan bannaynayaa, waxaanan haystaa kalsoonida Bulshadii i dooratay.
 
Waxaanan ku kalsoonahay in bulshada Somaliland si fiican u kala taqaanno cidda wanaaga iyo horumarka wadda, iyo cida af-miishaarnimada iyo qaska wadda. Waxaan arkayey, maalintii Burco-duuray qaar-qaylinaya oo leh waxaanu xusaynaa maalintii Burco-Duuray iyo Ragii ku dhintay, Waar Burco-duuray halgankaba anigaa hogaaminayey intii ku shahiiday Ilaahay ha u naxariisto, umana baahna in lagu xuso xasarad, cay iyo af-lagaado, inta noolina waxay gaadheen wixii ay u halgamayeen oo waxay dhisteen Qarankan, waxaan leeyahay waa qalad in halgankii ummaddu lahayd, iyo mujaahid-baan ahay loo daliishado khaladka aan doono ayaan samaynayaa sharciguna i qaban maayo, waar ma jiro qof sharciga ka weyni “ Ka sarraya”, kii joogay iyo kii maqnaa dalkan way u siman yihiin, waxaanay ku leeyihiin xuquuq isku mida, wax kasta oo loo adeegsado in ummaddan lagu kala qoqobaa waa reebban yihiin.
 
ARRIMAHA DOORASHOOYINKA IYO DIIWAANGALINTA
 
1)Waxaan labada Gole ka ballan-qaaday in aan diyaar u ahay in la qabto doorashooyinka oo wakhtigooda ku qabsooma.
 
2)Waxa aan qoraal ugu gudbiyey Deeqbixiyayaasha in aanu diyaar u nahay doorasho wakhtigeeda la qabto, ma cidbaa nagu khasabtay in aan qoraal ku bixino oo labada Gole ka hor caddeeyo.
3)Waxa la wada ogyahay in dhammaan miisaaniyaddii ku bixi lahayd labada doorasho iyo labada diiwaangelinood aanu ku diyaarinay Miisaaniyadda 2015 ee Baarlamaanka la taalla.
 
4)Waxaanu diyaarinay Xeerkii Diiwaan-gelinta Madaniga iyo Codbixiyaha oo aan u gudbinay Golaha Wakiillada. Waxa la wada ogaa murankii Xisbiyada Mucaaridku ay ka keeneen qoddobo ka mid ah, Waxaanan u saaray Guddi saddexda Xisbiga iyo Xukuumadda ka kooban, waxay isla garteen in qoddobo wax laga bedelo waanan aqbalay.
 
5)Xukuumad ahaan, waxaanu gudbinay Xubnihii Komishanka Doorashooyinka, waxaana Xukuumadda iyo Xisbiyaduba ay diyaar u yihiin in la ansixiyo.
 
DIIWAANGALINTA MADANIGA AH
 
Waxaa dhammaan ka warhaysaan, in ay socoto diiwaangelintii madaniga ahayd, diiwaangelinta madaniguna, waa sugista muwaadinka. Waxay muhiimad u leedahay Nabadgelyada dalka, horumarka dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan Qaranimada iyo Madax-banaanida dalka, waa sumadda lagu kala garanayo dadka reer Somaliland ee dalka xaqa ku leh iyo dadka ajaanibka ah, waa sumadda lagu reebayo dadka qalaad ee dalkan dhibaato iyo Nabadgelyo darro la doonaya ama doonaya inay si khaldan uga faa’idaystaan.
 
waa sumadda qofka lagu siinayo waxbarasho iyo caafimaad bilaash ah oo uu ka helo qaybaha adeega bulshada ee dawladda, waa shayga u suurtagelinaya in uu helo kaadhka codaynta si uu wax u doorto loona doorto, waa waxa suuragalinaya in aad lacagta kaga qaadataan bangiyada iyo xawaaladaha, asal ahaan ma jiro dal aan aqoon muwaadiniintiisa, innagana waa innagu ceeb in aynu garan weyno yaa muwaadin ah, yaanse muwaadin ahayn.
Arrintani ma aha wax laga dhigto, dheel-dheel, ee waa waajib dastuuri ah, waxaanan muwaadiniinta ugu baaqayaa in ay is diiwaangeliyaan oo tagaan goobaha diiwaangelinta.
 
Waxay hadda ka socotaa Hargeysa iyo Gabiley, waxaana toddobaadkan laga bilaabi doonaa Boorama iyo Berbera, dhakhsana waxaa dalka oo dhan loogu dhamaystiri doonnaa si buuxda. Waxaanan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda iyo ciidammadu in ay gacan buuxda siiyaan hawl-wadeenada ku hawlan Diiwaangelinta Madaniga ah, Insha Allaahu waxay ku dhammaan doontaa guul.
 
CABASHADII ODAYADA DHAQANKA EE BOORAMA
 
Waa hubaal in odayada dhaqanka ee Boorama ii soo gudbiyeen cabasho hufan oo ceebla’, xaq bay u leeyihiin Bulshadu wixii dhibaato jirta iyo wixii cabasho ay dareemayaan in ay ii soo gudbiyaan, anigana waxaa igu waajib ah in aan dhegaysto, derso oo uga jawaabo. Isla maalintii ayaan u magacaabay Guddi arrintan soo baadha, oo iiga keenta xaqiiqada jirta iyo wixii tallo ay u arkaan in wax lagu saxayo. Sidaan ka war-hayana, guddigii xil bay iska saartay, waana soo bandhigi doonaa dhawaan.
 
Balse, waxaan ogahay dad leh ujeedooyin kala duwan oo doonaya inay arrintan ka faa’iidaystaan, waxaa jira qaar aan reer Boorama ahayn oo jecel qaska oo doonaya inay fursad ka dhigtaan, waxaa jira qaar aan aaminsanayn qaranimada Somaliland oo doonaya in ay arrintan ka dhigtaan food saaro ay dalka khal-khal ku geliyaan dadkana iskaga hor keenaan.
 
Waxaan ogahay qaar leh ujeeddo shakhsiya, oo doonaya in halkan xil iyo xoolo ka qaadaan, Waxaan leeyahay dhammaan dhib-wadayaasha halkan jaanis ugama bannaana, aniga iyo Odayada dhaqanka ee reer Boorama waxaanu leenahay ujeeddo kaliya oo ah, sidii Boorama iyo guud ahaanba Bulshada Somaliland u heli lahaayeen xuquuq-dooda, una gaadhi lahaayeen cadaalad iyo sinnaan. Wax kasta oo khaldan ama wax laga tabanayo waxaan jecelnahay in aan wax ka qabto sida ugu fiican, iyo xiliga ugu habboon, waxaanan Bulshada guud ahaan leeyahay noo samra idinkaanu idiin shaqaynaynaa, isu samra wixii dhexdiina yaala, hana loo dul-qaato wixii qoonsi ka yimaadda shaqadaas.
NABADGELYADA
 
Walaalayaal, nabadgelyadu waa shayga ugu muhiimsan, waana hantida ugu qaalisan ee qarankani haysto. Waxaan dhammaan Bulshada reer Somaliland u soo jeedinayaa inay ilaashadaan nabadgelyada meelna uga soo wada jeestaan, cid kasta oo ku kacda wax nabadgelyada wax-yeelaya. Hay’adaha ammaankana waxaan farayaa in ay u feejignaadaan cadawga gudaha iyo ka dibeddaba, gacan adagna ku qabtaan, ciddii isku dayda inay nabadgelyada dhaawacdo.
 
Waxaa dhawaanahan dhacday, in Askar Ciidanka ka tirsani ay laayeen Saraakiishoodii ay Madaxda u ahayd, waa dhacdo innagu cusub oo aad u fool-xun, waa khalad in Ciidankii loogu tallogalay inay cadawga difaacaan, in uu saaxiibkiisii ay godka ku wada jireen uu dilo ama looga werwero, ma aha arrintani wax la aqbali karo.
 
Dambiilayashii wixii la qabtayna, waxa sharcigu yidhaahdo ayaa lagu qaadayaa, mana jiro wax laga dabcinaayo iyo cid u hiilin kartaa, wixii aan markaa la qaban, kama hadhi doono wax-kasta oo ay qaadato iyo wakhti kasta oo ay gaadho.
 
Balse waxaan ka digayaa in Ciidamada la reereeyo oo qabyaalad lagu qaybiyo, in arrimahaas saxaafadda lagula banbaxo, oo lagu qodqodo maaha, askari kasta, askariga kale ayaa walaalkii ah, taliyihiisaa u waalid ah, Ciidamadiisaa u tol ah, wixii ka khaldamana sharciga iyo Maxkamadaha ciidanka ayaa lagu saxayaa.
 
Walaalayaal, Ciidammadu wa astaantii qaranka iyo ilaaliyayaashii qaranimada, ee yaan qolo lagu tilmaamin, arrintaasi waa ceeb, waa dawladnimo la’aan. Waxaan ahay, Madaxweyne ahaan, Taliyaha Guud ee Ciidammada, waxaan ku hawlanahay daryeelkooda, ilaalintooda iyo kor u qaadista awooddooda iyo haybadooda. Waxaad ogtihiin in aan Miisaaniyadda Qaranka kula wareegay $46 Milyan oo dollar, maantana Mushaharka Ciidamada oo keliya ayaa maraya $55 Milyan, waa marka aan lagu darin saanada iyo agabka Ciidanka, sanadkan oo kaliya ayaanu usoo iibinay in ka badan boqol gaadhi oo gaashaaman.
 
Waxaa maalmahan iiga muuqatay saxaafadda mucaaridka oo hadallo xanaf leh, iyo ereyo ka caagan siyaasadda aad ugu xoog xoogsanaya. Waar caydu waa ceeb ee siyaasad ma aha, hadalka xumi qofka leh, ayuun buu wax yeelaa.
 
Mucaarad iyo Muxaafad dhaliishu waa u furan-tahay, toosintu waa u furan-tahay, taladu waa u furan-tahay waanunu soo dhaweynaynaa.
 
Somaliland waa dal dimuqraadi ah, dhaliil iyo dhaleecaynba waad samayn kartaa, balse aan ilaalinno anshaxa siyaasadda iyo akhlaaqda suubban. Golaha Wakiillada waxaan kula dardaarmaya inay isu tanaasulaan, saxdaan wixii ka khaldan, iyagoo nidaamka iyo shuruucda raacaya oo ilaalinaya, arrinkooda hoos iyo wada hadal, haku dhamaystaan.Wa Billaahi Tawfiiq.”
 
Dhinaca kalena Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa Madaxweynaha ka hor waxa uu warbixin ka siiyay  xaaladda wasaaradda warfaafinta, waxaanu sheegay in idaacadda Radio Hargeysa laga wada dhagaysto dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.
Wasiirku waxa uu sheegay in idaacadii weynayd ee madaxweynuhu soo iibiyay ay shaqayso oo ay tahay 100kwt.
 
“Madaxweyne waxa ku soo kordhay wax badan oo khayr qaba, waxa ku soo kordhay idaacadda quraanka kariimka ah iyo idaacadaha FM-ta oo magaallo walba la gaadhsiiyay,”ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Cukuse.
 
Sidoo kale waxa madaxweynuhu kormeer ku soo maray xarunta wargeyska DAWAN, halkaasi oo uu warbixin kaga dhegaystay Guddoomiyaha  DAWAN Media Grpup Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) uga waramay xaalada Wargeysyadda DAWAN, waxaanu tilmaamay in wargeyska  DAWAN yahay 12 Bog halka wargeysyada kale ee Dalka ka soo baxaa ay yihiin 8 bog oo kaliya.
 
Mr. Sayid waxa uu sheegay in saddexda wargeys ee DAWAN ay noqdeen wargeysyada kaliya ee midabaysan. Waxaanu ku dooday inay horumar weyn sameeyeen afartii sannaood ee la soo dhaafay.Guddoomiyaha DAWAN, waxa uu madaxweynaha uga maha celiyay kormeerka uu ku soo sameeyay xarunta wargeyska DAWAN.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa kale oo uu isla shalay kormeer ku tagay xarunta Madbacadda qaranka, halkaasi oo uu ku qaabilay Maareeyaha guud ee madbacadda Cabdilaahi Maxamed (Jaamac Carray).
 
Maareeyuhu waxa uu madaxweynaha u sheegay in xaaladda Madbacadda qaranku ay horumar samaysay afartii sannadood ee xukuumadiisu tallada haysay isla markaana ay dabooleen baahida daabacaadeed ee dawladda, waxaanu xusay inay daabacaan dukumantiga cashuuraha dalka lagu qabto Dawlad dhexe iyo mid hooseba.
Maareeyaha Guud ee Madbacadda qaranku waxa uu Madaxweynaha uga mahad celiyay wareegtadii uu soo saaray markii uu xilka qabtay oo uu amar buuxa ku bixiyay in aan  meel kale lagu daabici Karin dukumantiga dawladda.
Madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray xafiisyada kala duwan ee madbacadda qaranka, halkaasi oo warbixin laga siiyay hanaanka loo daabaco dukumantiga dawladda.
 
 
Sidoo kalena waxa madaxweyne Axmed Siilaanyo  waxa uu kormeerkiisii ku soo gunaanaday wargeyska madaxa banaan ee Jamhuuriya oo ka mid ah jaraa’Idka madaxa banaan ee ka soo baxa caasimadda Hargeysa.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply