“Way Saqiiri Doonaan Cidii Isku Dayda Inay Fadqalalo Sameyso” Wasiir Waran-cadde

0
355

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan dad uu ku tilmaamay inay doonayaan inay fadqalale ka dhex abuuraan shacabka reer Somaliland ee walaalaha ah.
Wasiir Warancade oo shalay warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa , ayaa waxa uu tilmaamay muran ka taagan dhismaha maxjarka cusub ee Magaalada Berbera la doonayo in laga dhiso ay ka danbeeyeen siyaasiyiin ka xun nabada Somaliland ka hano-qaaday,waxaanu ku dooday inay xukuumaddu si cadaalad ah u dhameyn doonto muranka ka taagan dhismaha Maxjar cusub oo laga dhisayo Magaalada Berbera.
Wasiir Warancade oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi“Waxaa beryahan dambe, ka baxayey Telefiishanadda iyo baraha Internet-ka hadallo ka fog milgaha iyo anshaxa bulshadda reer Somaliland ku caan baxeen, oo salka ku haya qabyaalad la doonayo in lagu kala shakisiiyo bulshada reer Somaliland ee walaalaha ah, isla markaana lagu waxyeeleeyo nabadda iyo deganaanshaha ay ku naaloonayaan ummada reer Somaliland ee eebe innagu maneystay, arrintan oo dad dano gaar ah lihi ay ku gabanayaan.Waxaa hubaal ah inay ku saqiiri doonaan cid kasta oo isku dayda inay bulshada dhexdeeda fadqalalo ka sameyso”.
“Rag siyaasada iyo dimuqaaradiyada ka hana-qaaday Somliland ku gabanayaa ay maleegayaan qorshayaal lagu hagardaameynayo, wada jirka, nabad-gelayda iyo horumarka Somaliland, si looga leexiyo tubta toosan ee lagu hiigsanayo, barwaaqada iyo Gobonimada dalka.Waxaa iyana hubaal ah in cadowgeenu ku mashquulsan yahay sidii loogu soo dhex tuuri lahaa bulshadeena dhexdooda dacaayado dhagareysan oo la doonayo in lagu kala fogeeyo”.Ayuu yidhi Warancade.
Mar uu Cali Warancade ka hadlayay shaqaaqadii ka dhacday dhismaha maxjarka cusub ee Berbera ayaa waxa uu yidhi “Waxaana ka mid ah arrimaha la doonayo in bulshada lagu kala qaybiyo bulshada, arrimaha Ganacsatada xoolaha ee reer Somaliland.Arrintan oo ka dhacday Maxjarka Berbera waxaa si buuxda gacanta ugu haysa dawlada oo si cadaalad iyo sinaan ah u dhameyn doonta hawshaasi si dhakhso ah haddii eebe yidhaado.Waxaan gacan adag lagu qabban doona cid wal oo falkaasi ka qayb-qaadatay.”
Waxaana dawlada ka go’an in ay gacan bir ah ku qabato sharcigana la horgeeyo cid kasta oo lagu tuhmo in ay fadqalalo ka waddo dalka, ama wax-yeelaynaysa nabadgelyda dalka iyo dadka. Waxaan uga digayaa in bulshada reer Somaliland nasteex u arkaan dacaayadaha raqiiska ah ee lagu kala fogeynayo ummadda.”
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply