Kulan Lagu Shaacinayay Olole Bulshadda Lagu Barayo Habka Ay U Shaqeeyaan Hay’adaha Gar-soorka

0
362

Hargaysa (Dawan): Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay inuu dhawaan  dalka ka bilaabmayo olole wacyigelineed oo dadka lagu barayo xaqa uu qofku u leeyahay inuu helo cadaalad,  haddii uu gar-daran yahay iyo haddii uu gar leeyahay,  halka loo maray iyo sidii loo bari lahaa habka uu ugu  shaqeeyo hay’adaha  garsoorka.

Wasiirka Cadaaladu, waxa uu sidaasi ka sheegay kulan shalay lagu qabtay xarunta  Wasaaradda Cadalada ee magaalada Hargeysa,  waxaana  kulankaasi  ka soo qaybgalay  guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf  Ismaaciil Cali, taliyaha ciidanka asluubta, Maxamed Xuseen (Xiiraane), hogaanka ciidanka booliska Maxamed X. Nuur.

Waxa kale oo kulankaasi ka soo qayb galay   madaxa hay’adda UNODC Mr. Simon Charles, afarta xafiis ee fulinaaya ololahan oo kala ah Jaamacadaha Camuud iyo Hargeysa,  qaybahooda fidiya adeega sharci Ururka Qareenada Somaliland, Ururka Qareenada Hablaha Somaliland oo laga fulin doona guud ahaan goboladda Somaliland.

Kulankaasi oo ujeedadiisu ahayd in lagu daahfuro olole bulshada reer Somaliland la baro dariiqa iyo habka uu u shaqeeyo garsoorka Somaliand ee muwaadin kastaa ku heli karo cadaalada haddii uu gar leeyahay iyo hadii laga gardaran yahay oo socon doona muddo laba bilood iyo badh ah guud ahaan Somaliland miyi iyo magaalaba.

Wasiirka  Cadaalada oo hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa  sheegay in ololahaasi oo socon doona muddo laba bilood ah, isla markaana la gaadhsiin doono dhamaanba lixda gobol ee ugu waaweyn iyo sidoo kale degmooyinka hoos yimaadda.

  Xuseen Axmed Caydiid, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu   yidhi “Waxaa dhamaanteen inoo farxad ah in aynu furno oloel balaadhan oo shacbiga reer Somaliland lagu barayo sida uu u shaqeeyo nidaamkeena cadaaladeed ama bahda gar-soorka Somaliland, waana olole socondoona laba bilood iyo badh, waxaana la mari doonaa lixda gobol  iyo degmooyinka hoos yimaada guud ahaan waxaana dadka wax lagu bari doona fariimo qoraal ah, kulamo, wacyigelineed oo lala yeelan doono fariimahaa iyo kulamadaana  waxa dadka laga bari doonaa sida uu u shaqeeyo  gar-soorka  Somaliland, waxaa la bari doonaa sida uu shaqeeyo bileyska, xeer ilaalinta, iyo sida ay u kala sareeyaan Maxkamadaha Somaliland iyo nidaamka ay carruurteenu u heli karto cadaalad. Waxa kale oo bulshada ololahan lagu bari doonaa sida ay u shaqeeyaan adeeg bixiyayaasha sharciga Somaliland iyo sida ay bulshada uga faa’iidaysan karto adeeg bixiyeyaashaasi iyo guud ahaan sida ay bulshadu  ula macaamili kartaa guud ahaan bahdaa garsoorka”.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay meelaha  dadka lagula kulmi  doono iyo doorka ay wasaarrad ahaan ku leeyihiin olahan bulshada reer Somaliland lagu barayo sida uu u shaqeeyo guud ahaan bahda garsoorku iyo xaqa muwaadinku u leeyahay inuu cadaalad helo mar walba.

 waxaanu yidhi “Waxaa dadka lagu wacyigeli doonaa saldhigyada booliiska, sariimadaha iyo meelaha dadku u badan yihiin oo dhan wxaana goobahaa lagu dhajin doonaa sawiro iyo fariimo muujinaaya sida uu u sahqeeyo hay’adaha booliiska, xeer ilaalinta maxkamaddaha waxaan lagu dhajin doonaa sawiradaa fariimaha xanbaarsan  meel kasta oo bulshadu isagu timaada. Doorka wasaaradu yahay kormeerka goobaha ay ururadani ku wacyigelinayaan bulshada wixii carqabad ah ee ka horyimaada iyo sida ay u fulinayaan hawshooda”.

Dhinaca kale  wasiirku waxa uu sheegay  inay ka horeeyaan  hay’adaha wacyigelinta fulinaya amarro ay bixiyeen madaxda ay khuseeyso kuna amrayaan madaxda gobolada iyo degmooyinka inay hawshaa u fududeeyaan. “Waana olole uu guud ahaan qaranku dhiirigelinaayo in bulshadeenu barato  sida loola xidhiidho  garsoorka dalka, qof kastaana uu ogaado xaqiisa uu ku dacwoon  karo iyo sida uu isku difaaco.Waxaan idin kula dardaarmayaa qolooyinka hawshan fulin doona in aad sida ugu haboon u gaadhsiisaan fariintan, waxa kale oo uu shacbiga Somaliland kula dardaarmayaa inay waqti siiyaan  sidii ay u baran lahaayeen  fariinta  ololahani xambaarsan yahay ee ah  in muwaadinku barto  sida garsoorka Somaliland u shaqeeyo ee uu xaqiisa u heli lahaa mar walba. Waxa kale oo  aan u mahadcelinayaa hay’adda UNODC oo naga kaalmaysay mashruucan oo la’aanteed hiirgelayn” ayuu yidhi wasiirku.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa sheegay inuu bilaabmay olole bulshada reer Somaliand lagu barayo nidaamka loo maro ama uu u shaqeeyo  garsoorka, Somaliland iyo xaqa uu muwaadinku  u leeyahay in uu dacwoodo iyo xaqa isaga lagu leeyahay in la dacweeyo.

Waxaanu yidhi  “Waxaanan isleeyahay waa olole aan isleeyahay dadkeena waxaaa uu bari doonaa sida uu u shaqeeyo nidaamka, cadaalada, waxaa ololahani uu gaadhi doonaa dad tiradoodu gaadhayso 100 kun oo qof. Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa wasaarada cadaalada Somaliland, hay’adda UNODC oo iyadu inaga caawinaysa ololahan umadeena lagu gaadhsiinayo ama lagu baraayo xaqooda uu dastuurku u damaanad qaaday ee ah inuu dacwoodo iyo in la dacweeyo oo uu mar walba helo xaqiisa.Waxaan shacbiga ku dhiirigelinayaa in qof kastaa barto xaqa uu dastuurka Jamhuuriyada Somaliand siiyo oo ah inuu helo cadaalad mar walba waana waajib in bulshada barato habka uu u shaqeeyo  bahda garsoorka  dalku”.

Waxa kale oo kulankaasi  ka hadlay taliyaha ciidanka asluubta, Maxamed Xuseen Xiiraane, hogaanka  ciidanka booliska  Maxamed X. Nuur iyo madaxa hay’adda mashruucan maalgalisay Simon Charles  (UNODC) oo sheegay dhamaantood  in bulshadu ka faa’iidaysato fariimahan iyo buuggan ka hadlay xaqa muwaadin ee barashada  habka garsoorka Somaliland u shaqeeyo, hawl-wadeenada fulinayaana ku dardaarmay inay xil iska saaraan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply