Kulan Lagu Faaqidayay Furdaaminta Caqabadaha Hor-taagan Tisqaadka Wershadaha Oo Hargeysa ka Furmay

0
484

By: Khadar Maxamad Xaashi
 
 
Hargeysa (Dawan):  Wasiirka wasaaradda wershadaha Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur,  ayaa ka qayb galay  kulan  ay isugu yimaadeen Daneeyeyaasha arrimaha  wershad-layda, kaasi oo  shalay lagu qabtay Huteelka   Imperiel ee magaaladda Hargeysa.
Sidoo kale waxaa kulankaasi   goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda wershadaha,  waxgarad iyo aqoon yahano  iyo madax ka socotay wasaaradda maaliyadda.
 
Wasiirka wasaaradda Wershadaha  Abiib Diiriye  Nuur, oo kulankaasi  hadalka ka  jeediyay ayaa sheegay in u jeedadda kulankaasi ay tahay sidii loo ogaan lahaa khayraadka dalka ku duugan iyo sidii darsi lahaa  caqabadaha hor taagan in khayraadkaasi laga faa’iidaysto.waxaanu yidhi “Kulankan waxa u jeedadiisu tahay in aynu ogaano kheyraadka wadankeena ku duugan si loo ogaado caqabaha hortaagan waanad ogtihiin oo warshadaheena waxaa ay ku shaqeeyaan waa leydh,leydhkeenuna wuu liita oo biyaheenu waa ay liitaan waana labada ugu mihiimsan ee wershadaheenu ay ku shaqeeyaan.  Hadaba waxaa aanu is-weydiinaynaa  maxay tahay sababta ay wershadaheenu u dhaqaaqi waayeen ma maal baa,  ma lacag baa,  ma dadka oo aan diyaar u aheyn baa,  inaan ogaano taalafteeda si hadhowto haddii ka wasaarad ahaan aanu wax ka qabankarno  aanu wax ka qabano.  haddii kalena cidii wax inagala qaban karta aanu la kaashano sida  Hay’adahan UN ah ee caalamiga ah ama hay’adaha dawladda ama bangiyadeena ama kuwa   gaarka loo leeyahay in aanu la kaashano,  oo aanu nidhaahno wax nagala qabta.  sidaad wada og tihiina  wershadaheenu waa wershado yaryar,  waxaana wershadaheena ugu weyn SBI-da sidaas darteed waxay u baahan yihiin maal cid caawisa iyo cidwaxsiisa toona majirto markaa in cashuur dhaaf loo sameeyo weeyaan inta ay korayaan markaa maanta (shalay)  taas aynu halkan isugu nimid waa in aan ogaano waxaa hortaagani waxaa uu yahay sidii xal loogu heli laha waxaaanan idin leeyahay si waadixa u faaqida si loogu helo xal waxaa hortaagan warshadaynta khayraadka wadanka.”
Md. Abiib Diiriye, waxa kale oo uu sheegay in wershadii Hargaha iyo Saamaha oo ku taalla deegaanka Dacar-budhduq oo caasimadda kaga began dhinaca Barri  ay khatar badan ku hayso dadka iyo xoolahaba, isla ay halis ugu jiraan dad badan oo ka caba biyaha dooxa oo ay suntan wershadaasi ku soo faaftay. Waxaanu tilmaamay in cilmi-baadhis dhawaan lagu sameeyay la isla qaatay in wershadaasi oo hada aan wax shaqo ah qabanin in halkaasi laga raro, la gayn doono dhul u gaar ah oo ay u iibinayaan.
 
 
“Dhanka kale waxaa jira laba wershadood oo ku yaala Dacar-Budhuq  iyo Halayo oo hay’adihi ku shaqada lahaa ay wadanka ka tageen kuwaasi oo halis badan ku haya deegaanka  iyo dadkaba qaarbaa dooxa dhexdiisa ku yaala,  dadkiiba ka  cabaya oo halis ugu jira inay ku go’aan.  mase ku dhintaan xoolahiiba cabaya oo xayawaankiiba cabaya oo maatidiiba cabeysa.  markaa khatarteeda ayay leedahay, marka cilmi –baadhis maalin dhaweyd lagu sameeyay waxaa la isla af-gartay in la xidho qaarkood oo  laga takhaluso markaa go’aankii lagu dhaqaaqilaaha uun baa la sugaaya.  waxaana la ogaaday inay dad iyo xoolo iyo deegaanba ay khatar u yihiin, markaa inaga oo taa ka ordayna in aynu geyno meel gooniya oo aan biyana u dhaweyn  markaa dhul ku filan oo lagaga maarmi karo ayaanu u iibinaynaa.  markaa goobaha aanu iibinaynaa waxaa ay gaar u noqon doonaan wershadaha si looga bad-baado wasakhowga hawadda ee ay wataan” ayuu yidhi wasiirku.
Agaaimaha guud ee wasaaradda wershadaha  Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey) oo isna madashaasi  hadalka jeediyay ayaa sheegay inay sabab u tahay caqabada hortaagan wershad-layda  dalka  ay tahay  dhaqaale   yari isla markaana ayaanay jirin hay’ado maalgeliya.
isagoo arrintaa ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay ceel-na uma qodna cid-na uma maq-na,  dadkeena madashan isugu yimid inaga kor soo bandhigi karnaa, maanta waxaa ay ku shaqayn lahaayyeen wershadleyda wadankeenu, oo ay  dawladuna xooga saartay waa waxbarashadda,  oo sanad walba tobankun in ka badan ayaa soo baxee yaanay tahriibine aan u sameyno wershado wax-soo saar, waxa ugu badan ee caalamka shaqooyinka laga helaa waa wershadaha.”
Dhamaan masuuliyiintii madashaa ka hadashay ayaa waxay wershadleyda reer Somaliland u soo jeediyeen in ay dedaal u galaan sidii ay u kobcin lahaayeen nidaamka wershadaha  oo dalkeena ku ah curdin.

Leave a Reply