Suxufiyiinta Awdal Maxay Ku Taageereen Dhaqan-gelinta Xeerka Saxaafadda?

0
389

Badi suxufiiyinta laamaha kala duwan ee warbaahinta gobolka Awdal ,gaar ahaanna Boorama ayaa dhawaanta kulan ay ku yeesheen Boorama ,markii u horreysy taageero u muujiyey ku dhaqanka xeerka saxaafadda ee lambar 27,kaasoo labada Gole iyo madaxweynihii hore ee dalkuba ansixiyeen qalinkana ku duugeen 2007dii .
Waxa kale oo ay taageero u muujiyeen hadal ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ku dhawaaqay ku dhaqanka xeerkaasi.
Kulankan suxufiyiinta oo ahaa mid dhif ah ,uuna goobjoog ka ahaa wakiilka wasaaraddaasi ee gobolka awdal ,,ayaa laga dooday diidmada iyo taageerada ku dhaqanka xeerkaasi kaddibna ay aqlabiyaddii shirkaasi goobjoogg ka ahayd taageerada siiyeen ku dhaqanka xeer lambar 27,iyo arrimo kale ee wasiirku xeerkaasi daba dhigay ku dhaqankiisa .
Haddaba marka la eego doodda suxufyiinta shirka isugu timi kaga hadleen taageerada xeerkaasi iyo diidmadiisa, qaarkoodna ku soo hadal-qaadeen waxa ururka suxfiyiinta Somaliland u socodsiin waayey xeerkaasi maantana uu u gasoo horjeestay, ayaa doodda caynkaas ah laga dareemayey sida suxufiyiinta meesha isugu timi aanay badi waxba ugala socon halka uu salka ku hayo muranka xeerka saxaafadda ee u dhaxeeya Wasiirka iyo Solja ,loona baahnaa in wakhti hore cid SOL JA gobolkan uga wakiil ahi ka dhaadhiciso waxa la isku mari la’ yahay.
Doodda ku saabsan xeerka ,ayaa badi suxufiyiinta Awdal taageeradooda u cuskadeen qoddobada soo socda:

  1. waxay xuseen in ku dhaqan la’aanta xeerkaasi keentay inay dawladda iyo suxufiyiinta madaxa bannaani weligood is haystaan ,xadhig,ganaax iyo xayiraadina dhammaan weyday .
  2. waa tan labaade  Guddiga Wasiirku sheegay oo ay u arkeen inuu go’aamin karo cidda garta leh iyo cidda laga gar-daran yahay.
  3. reer Awdal weligoodba way taageeraan sharci kasta oo u soo saaray madaxweynihii hore ee reer Boorama Daahir Rayaale,xitaa haduu madmadow leeyahay .
  4. wuxuu sharcigan kala saarayaa ayey yidhaahdeen cidda dhab ahaan suxufi sheegan karta iyo cidda ku qabsada ah.
  5. . wasiir cuskuse oo kordhiyey tirada shaqaalaha wasaaraddiisa ee Boorama kana dhigay tobaneeyo,halkii Awdal ay ka ahaayeen laba qof.

Leave a Reply