Xildhibaan Balaaki Oo Guddoomiye Cirro ku Eedeeyay In Uu Sifo Sharci-darro Ah Olole Uga Bilaabay Bariga Dalka

0
375

 By. Axmed M. Saleebaan

Hargeysa  (Dawan)-  Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cigge (Balaaki) oo ka mid ah Mudanayaasha Wakiiladda ee Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed  Cabdillaahi (Cirro) uu olole ka bilaabay Goboladda bariga Somaliland, isaga oo arrintaasi ku tilmaamay mid aanay cayimin Guddida Doorashooyinka oo aan weli Golaha Wakiiladdu ansixin.

Xildhibaan Cabdilaahi Balaaki oo shalay Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro uu waddo qorshe uu doonayo in dib u dhac uu ku yimaaddo Doorashadda.

Cabdillaahi Xuseen Cigge isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi   “Guddidda Doorashooyinku marka ay ku dhawaaqaan uun-bay furan tahay xiliga Doorashaddu qabsoomayso iyo xiliga ololuhu bilaabmayo, Ololahan uu bariga ka bilaabay Guddoomiyaha Golaha  Wakiiladdu, waxa uu qiil ugu raadinayaa taageeradda  Xisbigiisa oo liiddata  ayuun-buu dadka indho-sarcaad uga dhigayaa  sidii uu Golaha-ba ugu dhigayay in la yidhaahdo WADDANI-baa halkan maray iyo Xukuumaddaa sidan tidhi” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdilaahi Balaak.

“Doorashadda cida dib u ridaysaa waa Gddoomiyaha Golaha Wakiiladda , Dawladda uu cambaaraynayo xitaa wey ka dhamaatay waxyaabihii Doorashadda ku xidhnaa oo dhan, waxaana xaq loogu lahaa Dawladda inay ku darto Miisaaniyaddii waanay ku dartay . Xukuumadda waxa xaq loogu lahaa inay magacawaddo Guddida Doorashooyinka  haddana Golaha ayuu hor-yaalaa inta kale waxay ku xidhan-tahay ee hor-taalaa waa Baarlamaanka,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cigge (Balaaki), waxaanu intaa raaciyay “laakiin haddii Baarlamaankii  Guddoomiyihiisii ogolayn in la isku yimaaddo  ee uu marna Sharcigii si kale u dhigayo, marna uu Golaha ka baxsanayo oo uu odhanayo dib-baan u dhigay . Anigu waxaan qabaa cida Doorashadda dib u dhigaysa ee horena kororsiimadda ugu joogtay ay tahay Hoggaanka WADDANI oo ah Guddoomiyaha Golaha  Wakiiladda, waayo marka horeba 10 Sanadood-buu Sharci-darro ku fadhiyay haddana cidda doonaysaa waa isaga (Guddoomiye Cirro)”

Xildhibnaan  Cabdilaahi Balaaki oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi  “Anigu waxaan qabaa cidda maanta doonaysa in Doorashaddu dib u dhacdo in ay tahay cida marka hore-ba korarsiimadda ku fadhidday  inay maantana korarsiimaddii ay doonayso , waxa loo war-wareegayaa ee kolba Sharci loo jabinayaa ama Golaha loo fasaxayaa waa in wakhti dherar laga sii dhigto, taana waxaan filayaa in la iskaga iman-doono oo laga Xisaabtami-doono. Guddoomiyuhu 7 Maalmood ee uu Golaha u fasaxayay  waxay ahayd  Khamiistii hore uun-bay ahayd inuu u baxo Bariga  tii uun-baa dib uga dhacday , markaa dan uu leeyahayn ayuun-buu Golaha u fasaxayay umuu fasaxayn dan kale”

Leave a Reply