Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Dhalinyarro Hal-abuur ah Oo Soo Bandhigay Suugaan Ku Saabsan Wacyigelinta Halista Tahriibka

0
444

“Dhallinyarada ayaa uga Mahad-naqay Madaxweynaha Qaabiladiisa oo ay ku Tilmaameen  inay Niyadooda Dhiiri-gelin u Noqon Doonto”
 
“Xukuumaddan Siilaanyo Waxay u Taagan Tahay Sidii Dhalinyarada wadanka Loog Gacan Qaban Lahaa” Afhayeenka Madaztooyadda
 
 
By: Khadar Cabdi Muuse
Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay  qasriga madaxtooyadda ku qaabilay dhalinyarro hal abuur ah oo dhawaan soo bandhigay gabayo ku saabsan khatarta tahriibka.
 
Dhallinyaradani uu madaxweynuhu qaabilay oo kala socday goboladda iyo degmooynka dalka ayaa ka mid ahaa dhallinyaradii ku soo  baxday tartan suugaaneed dhawaan lagu qabtay caasimadda Hargeysa, tartankaasi oo lagaga hadlayay aafadda tahriibka iyo sidii bulshadda looga wacyigelin lahaa.
 
Af-hayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul oo kulankasi uu madaxweynuhu la yeeshay  dhalinyaraddaasi hal-abuurka ah uga warbixiyay wargeyska DAWAN,  ayaa sheegay in madaxweynuhu ku ammaanay  dhallinyaradaasi sida ay  isugu xilqaameen inay suugaan  miisaan leh oo ku salaysan  wadaniyad  u soo bandhigeen iyagoo ay da’doodu aad  u yar tahay, hadana ay gabayo ku  soo bandhigeen dhibaatadda tahriibka.
 
Waxaanu tilmaamay Md. Dhuxul  in madaxweynuhu dhalinyaradaasi uu kula dardaarmay  inay halkaasi ka sii wadaan hawsha wacyigelinta ah ee ay bulshadda u hayaan, maadaama  oo wacyigelinta dhinaca suugaanta la isugu gudbiyaa ay  qaybta ugu weyn ka qaadato.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta (shalay)  xafiiskii  qasriga madaxtooyada uu ku qaabilay dhawr iyo toban dhallinyarro ah, oo ka mid ah  dhallinyaradda ku mashquulsan dhinaca suugaanta.  dhallinyaradaasi oo dhawaan soo bandhigay gabayo  guud ahaanba khuseeya ama ka digaya khatarta tahriibka.
Dhallinyaradaasi waxay ka kala yimaadeen goboladda dalka oo dhan, waxaana lagu xushay oo ay dhalinyaradani ku soo baxeen  dulucda iyo muhiimadda gabayadii ay soo bandhigeen ee ku saabsanaa tahriibka iyo sidii ay dadkeenna iyo dhallinyarteenna uga waaninayeen, oo ay qaab farashaxan ah oo  suugaan ah ay ugu soo bandhigeen.  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhallinyaradaasi uu xafiiskiisa ku qaabilay aad ayuu ugaga mahad celiyay sida ay iskugu xilqaameen iyagoo ay da’doodu ka yaraayeen 25 jir.  sida ay hadana erayada  miisaanka iyo wadaniyadda ah ay gabayadooda ku saleeyeen,  ay ahayd mid aad u weyn, madaxweynuhu wuu hambalyeeyay, waxaanu ku hambalyeeyay hawshaasi weyn iyo suugaantaasi ay dadkeena ku wacyigelinayaan inay halkaasi ka sii wadaan, waayo wacyigelinta dhinaca suugaanta iyo sida wax la isku gaadhsiiyo,  suugaantu waxay ka qaadataa qaybta ugu weyn”.
Waxa kale oo uu sheegay af-hayeenku in dhalinyaradaasi ay iyagna dhinacooda  madaxweynaha uga mahad celiyeen qaabilaada wanaagsan ee uu ku qaabilay, taasi oo ay sheegeen in ay tahay mid dhiiri gelinaysa, isla markaana ay dhiiri gelin iyo firfircooni dheeraad ah u keenayso.
Sidoo kale dhalinyaradaasi abwaaniinta ah ayaa  halkaasi ku soo bandhigay qaar ka mid ah gabayadda ka hadlaya dhibaatadda tahriibka, waxaanay balan-qaadeen in ay hawsha wacyigelinta tahriibka halkaasi ka sii wadayaan meel kasta oo ay joogaan-ba.
“Dadkeenu wuxu maanta u baahan yahay in laga wacyigeliyo wax kasta oo horumarkeena ka hor imanaya, wax kasta oo awoodeena wiiqaya, wax kasta oo dhalinyarteena wax u dhimaya kaalinta ay ka mudan yihiin dalka. Dhallinyartii uu madaxweynuhu qaabilay ayaa halkaasi wxay ku soo bandhigeen gabayo kamid ah, gabayadii  ay ku soo bandhigeen fagaarihii  tartanka lagu qabtay ee ay dhallinyaradani ku soo baxeen, waxay ka warameen waxyaabaha ka keenay ama ku dhaliyay  gabayadan ka hadlayay tahriibka ee ay uga digayaan bulshadda.  waxay sheegeen tahriibku inuu yahay khatar soo food saartay dhalinyarta, sidaasi darteed inay gabayadooda ku saleeyeen iyagoo ka digay tahriibka. Dhallinyaradaasi ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha qaabiladaasi wanaagsan oo ay ku tilmaameen qaabilaadaasi inay riyadooda, qalbiyadooda iyo firfircoonidooda ay wax weyn ka tari doonto, waxaanay balanqaadeen inay hawshaasi halkaa ka sii wadi doonaan gobol kasta iyo meel kast aoo ay joogaan hawshaasi wacyigelinta ah ee ku saabsan ama ka digaysa khatarta tahriibka iyo sidii ay dhallinyaradu uga qayb qaadan lahayd horumarka dalka iyo guud ahaanba sidii looga shaqayn lahaa nabadgelyadda dalka ay halakasi ka sii wadi doonaan” ayuu yidhi Md. Dhuxul.
 
Af-hayeenku, waxa kale oo uu sheegay in qaabiladda madaxweynaha ee dhalinyaradani hal-abuurka ah ay qayb ka tahay  sida ay xukuumadiisu diyaarka ugu tahay in ay gacan qabato dhalinyarta, isla markaana ay kaalintoodu u noqon lahayd mid muuqata. Sidaas darted iyada oo taasi laga duulayo in dad badan oo dhallinyaro ahi ay masuuliyado faro badan qaranka ka hayaan ilaa heer wasiirro, agaasimeyaal, maareeyayaal iyo xilal kaleba.
 
Waxaanu yidhi “Sida laga warqabo xukuumaddan uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay u taagan tahay,  oo ay si xoog leh diyaar ugu tahay sidii dhallinyarta loo gacan qaban lahaa sidii dhallinayradda kaalintoodu ay u noqon lahayd mid muuqata oo firfircoon, taasina waa ta keentay in dad badan oo dhallinyaro ahi ay masuuliyado faro badan qaranka ka hayaan ilaa heer wasiirro, agaasimeyaal, maareeyayaal iyo xilal kaleba. Arrintaasina waa mid ay xukuumadu ku dhiirigelinayso kaalinta dhallinyaradda horumarinta dhallinyaradda iyo kaalinta ay ka qaadan karaan dalkoodana  ay  tahay mid mudan inay xukuumadani yaqiinsan tahay, waayo waa xoog  dihin, waa aqoon dihin, waa xoog u baahan in laga faa’iidaysto, oo looga faa’iidaysto sida wanaagsan si ay iyaguna tusaale fiican ugu noqdaan kuwa ka yar yar  waxtarkooda iyo horumarkoodaba marka la eego”.

Leave a Reply