“Mucaaridku Ha Dhigo Durbaanadda Olaleyaasha Qabyaalladda”

0
324

Hargeysa (DAWAN)- Naasir Cheif Caaqil Ay-jeex Jaamac Cawad, oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, ayaa difaacay siyaasadaha xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo,waxaanu xisbiyadda mucaaridka ahna  ku eedeeyay in dalka ollole qalalaase oo qabyaaladeed iyo dacaayado siyaasi ah ay ka abuurayaan.
 
Sidaasna oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dooday inay  xukuumadda Siilaanyo dalka wax-qabad balaadhan ka fulisay mudadii ay xilka haysay, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ”Xukuumadda Somaliland, intii ay tallada Haysay waxay dalka fulisay wax-qabadyo horumarineed ee la taaban karo, sidaa awgeed waxa waajib innugu ah in aynu ku taageerro, oo aynaan ka hor iman.”
“Xisbiyada mucaaridku ha joojiyaan ollolayaasha qabyaaladed iyo dacaayadaha waxba kama jiraanka ah ee ay ugu durbaan tumayaan kala qeyb qeybinta midnimada shacabka Somaliland, waxa kale oo aan dhawaan warbaahinta qaar ka mid ah ka akrhiyay dad sheeganaya inay leeyihiin dekadda Barbara iyo kastamada Kala-baydh, sidaas awgeed, waxaanu ku baaqayaa in bulsho ahaan iyo qaran ahaanba aynu joojino qabyaaladda cid laga yeelayaana ma jirto habdhaqanadda noocan oo kale ah, waana in si degdeg loo joojiyaa meel ka dhacyada noocaas ah,,”ayuu yidhi Naasir Ay-jeex.
 
 Naasir Ay-jeex waxa uu xusay in xukuumaddu diyaar u tahay doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan sannadka fooda innagu soo haya ee 2015-ka, waxaanu yidhi “Sida uu Madaxweynaha Somaliland in badan ku celceliyay xukuumaddu waxay diyaar u tahay in doorashada xilligeeda lagu qabto, xukuumaduna way diyaarisay dhammaan wixii dhinaceeda ku xidhnaa ee lagu suurta-galinay in doorshada wakhtigeeda lagu qabto, balse, Haddii ay duruuf macquul ahi timaado oo ay ka fursan weydo Madaxweynaha waa loo kordhinyaa.”
 Naasir isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Madaxweynuhii hore ee Daahir Rayaalaba, in badan ayaa muddo kordhin loo sameeyay, Madaxweyne Axmed Siilaanyana haddii  ay ka fursan weydo waa loo kordhinayaa, Xisbiyada mucaaridkuna iyaga ayaa masuul ka ah oo dabada haya in doorshooyinku ay ku dhacaan mudaddii loo cayimay.  Sidaas oo ay tahay waxa aan dhinaca kale tallo u soo jeedinayaa Odayaasha waaweyn ee siyaasiinta ah ee mujaahidiinta ah, waxaan leeyahay jiq ku siida joojiya, oo la shaqeeya Madaxweynaha  iyo ku xigeenkiisa.”

Leave a Reply