Xildhibaanno Buuq Iyo Sawaxan Ku Dhiciseeyay Mooshinka Lagu Sadqeynayo Raysal Wasaaraha Soomaaliya

0
507

Muqdisho (DAWAN)-Kulankii baarlamaanka Somalia ee shalay  oo lagu waday in lagu qaybiyo mooshin ka dhan ah ra’iisul waasaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa ku dhammaaday buuq iyo sawaxan. Ka dib markii koox xildhibaanno ah oo taabacsan raysal wasaaruhu ay ku guulaysteen inay fadhigaasi dhiciseeyaan, iyagoo buuq iyo sawaxan ku camiray fadhigaasi. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa u muuqday kuwo kala qaybsan, iyadoo xildhibaannada kasoo horjeeday  mooshinka ay la wareegeen buugii xaadiriska xildhibaanka, markaasi oo uu buuq dhashay, iyadoo guddoomiyuhu uu shirka xidhay. Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo xildhibaannada la hadlay ayaa ku booriyay  in xildhibaannada fowdada horseeday ay tallaabo ka qaadayaan, inkastoo aanu  sheegin nooca ay noqon doonto. “Anigu sharciga waan ogolahay, waxaana ku baaqay in la ilaaliyo nidaamka iyo habsami u socodka kulammada baarlamaanka, maadama ay fowdo ka dhaliyeen baarlamaanka xildhibaannada qaarkood kulanku wuu xiran yahay,” ayuu yiri Jawaari. Inkastoo uusan sheegin xilliga uu kulanku furmi doono. Xildhibaannada baarlamaanka ayaa kala qaybsanaa, iyadoo garab ka mid ah uu difaacayay mooshinka halka kuwo kalena ay kasoo horjeedeen, waxaana ay xildhibaannada mooshinka kasoo horjeeda ay sheegeen inuu yahay mid laga soo abaabulay madaxtooyada oo aan sharci ahayn. “Waxaan diidannahay mooshinka laga keenay ra’iisul wasaaraha, waayo waa mid aan sharci ahayn,” ayay yidhaahdeen mudanayaal ka mid ah kuwii kasoo horjeeday mooshinka, isla markaana taageersan ra’iisul waasaraha Somalia. Sidoo kale, mudanayaasha mooshinka keenay qaarkood oo iyaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay ogol yihiin in iyaga iyo xildhibaanadda duraya mooshinkoodu  ay sharciga ku kala baxaan oo aanay wanaagsanayn inay fowdo sameeyaan. Guddoomiyaha baarlmaanka ayaa xakameyn waayay buuqda xildhibaannada ay ka sameeyeen hoolka shirarka ee xarunta baarlamaanka, taasoo sabab u noqotay inuu ku dhawaaqo inuu kulanku xidhan yahay. Mooshinkii la doonayay in xildhibaannada loo qaybiyo ayaa dib u dhac uu ku yimid, iyadoo aan la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan guddoonka sare ee golaha baarlamaanku fowdada maanta dhacday.

Leave a Reply