“Muddo Kordhini Haddii Ay Jirto Golaha Wakiiladda ayaa Doonaya In Loo Sameeyo” Xildhibaan Dheeg

0
680

By. Khaddar M. Dhako

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa ku ee deeyey golaha wakiilada iyo guddoomiyahooda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro in ay doonayaan in dib u dhac ku yimaado doorashada golahooda is la markaana muddada loo kordhiyo.

Xildhibaan Dheeg oo shay u waramayay wargeska Dawan waxa kale oo uu tilmaamay in waxqabad la taabankaro ay fulisay xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaayo, waxaana uu tilmaamay in aan la dafiri-karin horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay, waxaanu xisbiyada mucaaradka u soo jeediyay inay ka waantoobaan hadaladda xambaarsan af-lagaadda ee ka soo yeedhaya.

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg isaga oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dalku waxa uu marayaa halkii ugu fiicnad. waayo marka aad eegto magaalada Hargeysa oo kale inta bilic ku korodhay maalintii madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale Kaahin xilka ka dagay, labadeed ayaa u korodhay bilicdeedii iyo shaaracyadeediiba, marka aynu eegno madaaradeena siday ahaayeen waxaanay maanta la mid yihiin kuwa caalamka diyaaradaha ugu waawan ayaa soo fadhiidhiisanaya lamana dafiri-karo waxa muuqda ee in dhahaagu arkayaan wakhti wanaagsan ayaa la marayaa wakhti la carcarsheeyo ilama aha in uu yahay.”

Xildhibaan Dheeg waxa kale oo uu xisbiyada mucaaradka ah u soo jeediyay in ay ka waantoobaan hadalada cayda iyo habaarka xambaarsan ee ay caadasteen,  waxaana uu yidhi “mucaaradka iyo muxuufidku in ay is mucaaradaan macagacooda ayaa ah laakiin waxa reeban af-lagaadada iyo habaarka. waayo mucaaradka halka uu ku socdaa waa halka uu ku fadhiyo cidan uu mucaaradayo, waxa ha dhawto kugu soo baxaya waa la iska ilaaliyaa, qodxaha hadhawto ku ragaadinaya ee kugu soo bixi doona waa laga sii dhawrsadaa.”

Mudane Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg waxa kale oo uu golaha wakiillada ku ee deeyay in ay doonayaan in dib u dhac ku yimaado doorashada aqalkaas isla markaana muddo kordhin loo sameeyo, waxaana uu yidhi “Golaha wakiillada muxaafidkooda iyo mucaaradkoodu waxay isku raacsan yihiin in ay  doorashado dib u dhacdo oo loo kordhiyo mudada, waayo haday mudo kordhin jirto,  golaha wakiilada ayaa goddoomiyahooda, ilaa mucaarad iyo muxaafikoodu isku raacsan yihiin in mudada loo kordhiyo, laakiin cid kale oo korodhsiimo doonaysaa oo aan afkooda ka maqalnay majirto.”

Xildhibaan dheeg waxa kale oo sheegay in uu golaha guurtidu awood u leeyahay in mudada ay u kordhiyaan madaxweynaha iyo golaha wakiilada hadii ay doorashadu qabsoomi waydo si aanu dalku ugu dhicin fawdo, waxana uu yidhi “had iyo gooraale waxaan maqlaa golaha guurtidu waxa ay meesha u fadhiyaan in ay wax kordhiyaan markii distoorka la samaynayay qodobka 83 waxa lagu suntay in aanu dalku fawdo ku dhicin marka madaxwaynaha mudadiisu dhamaanayso haday doorashadu qabsoomi waydo sababo taagan darted, markaa golaha guurtidu waxa uu u fadhiyaa in aan dalku fawdo ku dhicin oo aanay dalka dawlad la aani ku iman, waxa lagu qoray qodobka 83 ee dastuurka haddii ay doorashadu qab soomi waydo oo madaxweynuhu soo sababeeyo siday u qabsoomi wayday golaha guurtida waxa ku waajiba in uu kordhiyo muddo xileedka madaxweynaha oo mudada danbena qiimeeyo markaa golaha guurtidu madoondoono kordhin mana daydayo ee wixii sharcigu faray ayuu ku socdaa.

Madaxweynaha kursiga ku fadhiyana waxa sharcigu leeyahay ilaa la soo doorto cidii badalaysay oo madaxweynihii bedeli lahaa lasoo doorto iyagaa meeesha fadhiyaya ama hala qayliyo fiintuna waxay ka ooyaysaa rooobka soo socda ee kan haya ka ooyi mayso.”

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg waxa kale oo uu xusay in  uu soo dhaweynayo hadalkii ka soo yeedhay siyaasiga Cali Khaliif Galadh ee uu ku sheegayay in uu wada-hadal la furayo jamhuuriyada Somaliland, waxaanu yidhi “Cali Khaliif waa muwaadin reer Somaliland ah oo halkan u dhashay waanan soo dhaweynayaa hadalkaas uu ku sheegayo in uu wadahadal la furayo Somaliland.”